- News: Wafdi uu Hoggaaminayo Ra段isul Wasaaraha Soomaaliya oo gaaray Degmada Jowhar ee Gobolka Shabeellada Dhexe
Home Xikmadii Jaceylka Xaaskii afaraad Morena Kalara FADA Hindi Af somali Contact Us Muxaadaro Riwaayado Somali
Latest Media
Jaceylka iyo abaalk...
[18-06-2013 20:17]
Jaceylka iyo abaalk...
[18-06-2013 02:43]
Dil ka kya kasoor 6
[18-06-2013 01:58]
Dil ka kya kasoor 5
[18-06-2013 01:58]
Dil ka kya kasoor 4
[18-06-2013 01:57]
Dil ka kya kasoor 3
[18-06-2013 01:56]
Dil ka kya kasoor 2
[18-06-2013 01:56]
Dil ka kya kasoor 1
[18-06-2013 01:55]
MusalsalKA Fatima 12
[16-06-2013 21:00]
Jaceylka iyo abaalk...
[16-06-2013 20:50]
Random Media
Wafdi uu Hoggaaminayo Ra段isul Wasaaraha Soomaaliya oo gaaray Degmada Jowhar ee Gobolka Shabeellada Dhexe
Wafdi uu hoggaaminayo ra段isul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa gaaray degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe, halkaasoo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Socdaalka ra段isul wasaaraha ayaa lagu sheegay inuu qayb ka yahay qorshe uu ugu kuurgalayo xaaladaha ka jira gobollada dalka, isagoo markiiba kulan la furay maamulka gobolka iyo kan degmada.

Ammaanka degmada Jowhar ayaa ammaankeeda aad loo adkeeyay, iyadoo lagu arkayo jidadka degmadaas ciidammo fara badan oo amniga ilaalinaya, iyadoo al xiray dhammaan goobihii ganacsiga.

Wafdiga ra段isul wasaaraha oo isugu jira xildhibaanno iyo wasiirro ayaa safar dhinaca dhulka ah ku tagay degmada Jowhar iyago sii maray degmada Balcad oo ka tirsan gobolka Shabeellada hoose.

Dadweyne fara badan ayaa soo sita caleemo qoyan, calanka jamhurriyadda iyo sawirka ra段isul wasaaraha ayaa Jowhar kusoo dhaweeyay wafdigan, iyadoo jawiga degmada uu si aad ah uga duwan yahay sidii hore.

Ra段isul wasaaraha ayaa wuxuu durba kulammo la furay maamulka gobolka iyo kan degmada, iyadoo sidoo kale lagu wado in ra段isul wasaare Saacid iyo wafdigiisu ay la kulmaan qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

Socdaalkan ra段isul wasaaruhu uu ku tagay degmada Jowhar ayaa waxay ka dhigaysaa kii ugu horreeyay oo mas置ul sare oo dowladda Somaaliya ka tirsan uu ku tago degmada Jowhar, tan iyo markii ay dowladdii Col. C/llaahi Yuusuf ka guurtay halkaas oo ay muddo sannad ah deggenayd.

Ra段isul wasaaraha Soomaaliya ayaa shalay kasoo laabtay Degmada Kismaayo oo uu ku tagay safar qaatay saddex maalmood, isagoo kulammo lasoo yeeshay maamulka KMG ah ee degmadaas iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.



   Comments
   Comments
No Comments have been Posted.
   Post Comment
Please Login to Post a Comment.
   Ratings
Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.