Latest Media
Daawo Jidkii Madowa
[02-08-2015 07:05]
Damashadka Xeebta Liid
[01-08-2015 19:51]
Waraysi C/rahma Bad...
[31-07-2015 16:17]
Nin Somali o Naag i...
[30-07-2015 12:19]
Saxibkaa Si xunka D...
[29-07-2015 12:42]
Riyo Somali Movie
[29-07-2015 11:46]
Somali Full Movie
[28-07-2015 12:50]
Shirkada Ceymis Som...
[27-07-2015 10:26]
Khudbadii Barack Obama
[27-07-2015 00:26]
Muxaadaro DR mohamed
[26-07-2015 09:54]
Ads
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
Siyaasiyiin iyo Odayaal ka Qeyb Galaya shirkii Maamul u Sameynta Gobolada Dhexe OO Puntland oo Xabsi ku xukuntay
Posted by  admin admin Postedon  13-01-2015 15:07 13-01-2015 15:07 280  Reads 280 Reads  0 Comments 0 Comments
printer
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Puntland ayaa ku eedeeyay in 14 ruux oo ahaa siyaasiyiin iyo odayaal ka soo jeeda Puntland ay galeen qiyaano qaran iyo dhaq dhaqaaqyo ka dhan ah jiritaanka Puntland, waxaana uu xusay in saddex ka mid ah 14-ka ruux xabsi daa’in lagu xukumay

Sidoo kale 11 kalena ayaa iyana waxaa lagu xukumay min 10-sano xabsi ah, waxaana ku jira odayaal dhaqameedyo caan ah oo ka soo jeeda Waqooyiga Galkacyo.

Mid ka mid ah saddexda ruux ee xabsi daa’inka lagu xukumay ayaa lagu magacaabaa C/wali Muuse Shire, kaasoo horay u ahaan jiray Xildhibaan ka tirsan Puntland.

Dadkan la xukumay ayaa ka maqnaa Maxkamada, iyagoo ku sugnaa magaalada Cadaado oo ay kaga qeyb galayaan shirka maamul u sameynta Gobolada Dhexe.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa soo gudbiyay cadeymo kala duwan oo isugu jira muuqaal raggan oo ka qeyb galaya shirar ka dhacaya Cadaado oo ku saabsanaa arrimaha mamaul u sameynta Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Ka qeyb galka siyaasiyiinta iyo odayaasha ka soo jeeda Waqooyiga Gobolka Mudug ayaa caqabad ku ah maamulka Puntland iyo heshiiskii horay ay ula gaareen Ra’iisul Wasaarihii hore ee ahaa in Maamulka Gobolada Dhexe uu noqdo Gobol iyo Bar oo ah Galgaduud iyo Koofurta Gobolka Mudug.


Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.
Ratings
Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.