• Wasaaradda Gaashaandhiga Somalia Oo Soo Bandhigtay Waqtiga Ka Bixitaanka Ciidamada AMISOM Ee Dalka.Read More
  • Wasiir Beyle ”Bankiga Adduunka iyo IMF waxay ku qanceen qaabka maamulka MaaliyaddaRead More
  • Wasaaradda Dastuurka oo Muqdisho ku soo xirtay Tababar heer sare ahRead More
  • Guddoomiye Xuseen “Waxaa naga go’an in shacabka guryahooda loogu geeyo Dawladnimada”Read More
  • Cabsi dhinaca Amaanka ah oo ka taagan gobolka Waqooyi Bari KenyaRead More

Midka kamid ah Ilaalada Gaarka Axmed Madoobo ayaa Toogasho ku dilay Xaaskiisa kaas oo markuu dilay ilaa hada aan loosoo qaban.

Midka kamid ah Ilaalada Gaarka Axmed Madoobo ayaa Toogasho ku dilay Xaaskiisa kaas oo markuu dilay ilaa hada aan loosoo qaban.

“Cashadii Geerida isu badashay”

Muxibo Maxamed Xuseen Waxa ay aheyd 19jir ku dhalatey kuna soobarbaartey mid ka mid ah Xaafadaha Magaalada kismayo ee Xarunta Maamulka jubbaland

Muxubo waxa ay aheyd curada hooyadeed jamiila yuusuf.
15/1/2018 ayey udhaxday gacan ku dhiigle Cabdilaahi Asad Ismaaciil kaas oo ay muxibo intii ay is qabeen ushegtay Ehelkeeda in uu Cabdilaahi asad ismail yahay mid ku xadgudba oo ugeystay jirdil, aflagaado iyo in uu ka jaray dhaman ehelkii iyo asxaabtii

Muxubo mar weliba waxa ay carar tagi jirtey guriga Waalidkeed kadibna Waxa ay hooyaded iyo Walaasheed ku qancin jiraan in ay gurigeeda ku laabato oo reerkeda dhaqato iygoo ka cararayo in qoyska inu burburo ama la dhihin sabab bay u yihin reeekaas dumay.

Maalin kale ayey marxumad muxibo usoo dacwootay reerkoodii ayadoo ku andaconeysa in uu gacan ku dhiigle Cabdilaahi asad ismail ku yiri “Aniga hada diyaar uma ahi in an Aabo noqdo ee iska soo xaaq ubadkan Caloosha ku jira” kadibna ay hooyaded ku tiri gurigaga ku laabo. Muxubo markii ay sii baxaysay ayey hooyaded ku tiri. “ninkan aniga qoriga ayuu iigu goodinayaa ee meydkeyga ayaad gurigas ka soo qadaneysan wixi hada ka danbeya”

Hadaba maxa keenay dilka marxumad muxibo?
Cabdilaahi asad ismail waxaa jirtay in uu muxibo ka hor gabar uu kula heshiiyey guur kadibna gabadhaas ay nairobi uga baxsatey Waxa uuna markas wixii ka dambeeyey isaga oo daneynaya in uu gabdhas iloobo guursaday Marxuumad muxibo

Waxaa dhacday in Maalin malmaha ka mid ah ay soo wacday gabadhii xiriirka uga baxday ayadoona ka codsatey in uu iska cafiyo ayna rabto in ay kismayo timado si ay uga qeybgasho Arooska walaasheed kayar kuna qancisey in ay wax weliba si doodii hore ku so noqonayan ka dibna isagii uu ka ogoladay.

Intaa kadib gabadhii Magaalada ayey timid Waxa ayna ka qeyb gashey Arooska walasheed ka yar iyadoona lagu casumay marxuumad muxibo in ay arooska ka qeyb gasho. Muxibo wey cudur daaratey ayadoona sheegty in ay “walac”tahy.

Gacan ku dhiigle Cabdilaahi asad ismail waxa uu wacey gabadhii uu horey xiriirka ula laha isagoona ka codsadey in uu arko uuna taagan yahay Albaabka Gurigooda hortiisa.kadib gabadhi ayaa usheegtey in ay mashqulsan tahay
Waa uu soo baxay Cabdullahi asad ismail isagoo soo aaday dhanka gurigiisa oo ay markas joogan marxumad muxibo iyo gabar dariskeda ugu dhow ah waxa ayna labadooda fadhiyen daarada guriga dhaxdeeda.kadib waxaa uu gacan ku dhiigle Cabdullahi asad ismail iska soo furay Albaabka guriga isagoo markas hubeysan wixii intaas ka dambeeyey waxa uu arkay muxibo oo bananka fadhida ayna meesha taal cashadii ay udiyaarisay kadib Waxa uu raacsadey Laba Xabadood gabdhii muxibo la joogtey oo jikada markas iyadana ku jirtey ayaa meshedii ku gabatey ayadoo cabsi weyn ay soo food saaraty
Kadib Cabdullahi asad ismail waxa uu madaxa ka toogtey marxumad muxibo ayadoo ay ag taal cashadii ay udiyaarisey gacan ku dhiigle abdullahi asad ismail si uu ugu casheeyo

“Hadaba abdullahi asad ismail Waa kuma?

Abdullahi asad ismail waa ilaalada Gaarka an Ee Madaxweynaha jubbaland Waxa uu qaabilsan yahay dhanka mushaar bixinta ciidamada Madaxtooyada Jubbaland hadda dilka kadib Waxa uu joogaa guri ay ku ilaalinayaan Dad Hubeysan oo isaga ehel xigaal u ah waxa uuna ku faanayaa in tolkiisa uu la joogo kalsonina uu ku qabo.

Cabdilaahi Waxa uu sidoo kale ku hanjabey in qabiilkiisu yahay Ogadeen oo Kismaayo ka taliya
Gabadhuna tahay DIR sidaas darteed marka la gaaro in dir kismaayo ka taliso in gabadhooda cadaalad uraadiyaan.
Vedioga in muuqdo waa goobta lagu dilay Muxubo iyo firika masakaxdeeda oo dhulka waran allah ya raxma.

Haddaba Maxaa la gudboon Maamulka Jubbaland Dowlada dhexe Ee Soomaaliya iyo Cidkasta oo u cadaalad sameyn karta Marxuumad Muxubo Allaha Unaxariistee?

You may also like

Wasaaradda Gaashaandhiga Somalia Oo Soo Bandhigtay Waqtiga Ka Bixitaanka Ciidamada AMISOM Ee Dalka.

Wasaaradda Gaashaandhiga Somal..

Wasaaradda Gaashaandhiga Somalia Oo Soo Bandhigtay Waqtiga Ka Bixitaanka Ciidamada AMISOM Ee Dalka.

read more
Wasiir Beyle ”Bankiga Adduunka iyo IMF waxay ku qanceen qaabka maamulka Maaliyadda

Wasiir Beyle ”Bankiga Adduun..

Wasiir Beyle ”Bankiga Adduunka iyo IMF waxay ku qanceen qaabka maamulka Maaliyadda

read more
Wasaaradda Dastuurka oo Muqdisho ku soo xirtay Tababar heer sare ah

Wasaaradda Dastuurka oo Muqdis..

Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS Mudane Dr. Xuseen Cabdi Cilmi ayaa soo xiray […]

read more

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *