• Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka Mudulood oo si weyn u taageeray Gudoomiyaha cusub ee G/BanaadirRead More
  • Milateriga Turkiga oo gudaha u galay SuuriyaRead More
  • Ra’iisal Wasaare Khayrre oo wado qorshe isku shaandhaynayo Golahiisa Wasiirada.Read More
  • Xarunta Dowladda Hoose ee Muqdisho oo Wali XiranRead More
  • DHAGEYSO: Sidee Shacabka Muqdisho u arkaan Magacaabista Yariisow?Read More

Maxkamadda Minneoples oo dambi ku heshay Askari xad gudub u geystay Soomaali

Maxkamad ku taalla magaalada Minneoples ee dalka Mareykanka ayaa dambi ku heshay Askari cadaan ah oo xad gudub jirdil la xiriira u geystay nin Soomaali ah oo lagu magacaabo Maxamed Cusmaan.

30-kii May ee sanadkii hore gabar Soomaaliyeed ayaa Booliska waxa ay uga dacwootay Maxamed Cusmaan oo ay sheegtay in uu u gacan qaaday.

Booliska ayaa si deg deg ah ku yimid guriga gabadha xilligaasi waxaa gaari guriga hortiisa yaallay ku dhexjiray Maxamed Cusmaan, oo Booliska ay ku amreen in jilbaha uu dhulka dhigto, kadibna gacmaha uu gadaal mariyo.

Askari Boolis ah oo lagu magagaacbo Cristover River oo 36 sano jir ah ayaa Maxamed Cusmaan oo jilbaha ay dhulka u yaallaan darbeeyay, kadib Maxamed ayaa miir belay oo uu soo gaaro dhaawac uu ka mid yahay inuu sanka ka jabo.

Askarigii ayaa shaqada laga fariisiyay, waxaana la daawaday muuqaal ay duubtay Camerada qarsoon, shalay oo aheyd Talaado ayay Maxkamaddu sheegtay in Askarigan uu qalad galay, dambina lagu helay.

Ilaa hadda Maxkamadda ma aysan sheegin xukunka dhabta ah ee ay ku riday Askarigan, balse ilaa gaba gabada Todobaadkan ayaa la ogaan doonaa xukunka lagu ridi doono Askariga.

Xeer ilaaliye ka tirsan Maxkamadda Minneoples ayaa codsaday in ninkan xabsi loo taxaabo, inkastoo hadalkaasi ay ka soo horjeesteen qareenada u doodaya Askariga, iyaga oo dalbaday in uu banaanka joogo, korna lagala socdo.

You may also like

Qudus: Trump oo u digay dalalka uu deeqda siiyo

Qudus: Trump oo u digay dalalk..

Qudus: Trump oo u digay dalalka uu deeqda siiyo

read more
Dagaal Caawa ka dhacay Degmada Afgooye iyo Faah faahino kasoo baxaya

Dagaal Caawa ka dhacay Degmada..

Dagaalyahano aad u hubeesan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa caawa weerar ku qaaday Degmada […]

read more
Daawo Sawirada Wabiga Shabelle oo mara Dagmada afgooye ayaa Guray  sida idiinka muuqata  Sawiradan

Daawo Sawirada Wabiga Shabelle..

Daawo Sawirada Wabiga Shabelle oo mara Dagmada afgooye ayaa Guray sida idiinka muuqata Sawiradan.

read more

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *