• Wasaaradda Gaashaandhiga Somalia Oo Soo Bandhigtay Waqtiga Ka Bixitaanka Ciidamada AMISOM Ee Dalka.Read More
  • Wasiir Beyle ”Bankiga Adduunka iyo IMF waxay ku qanceen qaabka maamulka MaaliyaddaRead More
  • Wasaaradda Dastuurka oo Muqdisho ku soo xirtay Tababar heer sare ahRead More
  • Guddoomiye Xuseen “Waxaa naga go’an in shacabka guryahooda loogu geeyo Dawladnimada”Read More
  • Cabsi dhinaca Amaanka ah oo ka taagan gobolka Waqooyi Bari KenyaRead More

Maxkamad ku taalla Canada oo dambi ku heshay nin Soomaali ah

Maxkamad ku taalla dalka Canada ayaa dambi afduub ah ku heshay inuu geystay Cali Cumar Adeer oo ah 40 sano jir Soomaali ah oo 9 sano waqti haatan laga joogo la sheegay inuu ka qeyb qaatay fal afduub ah oo Muqdisho loogu geysto Amanda Linhod oo ah gabar u dhalatay dalka Canada iyo sawir qaade u dhashay dalka Australia oo lagu magacaabo Nickel.

Xaakimka Maxkamadda ayaa ku dhaawaqay Cali Cumar in lagu helay dambiga ah afduubka labada qof, Cali Cumarna uu ka been sheegay kiiska, wuxuuna sheegay keliya inuu ahaa turjumaan.

Kiiska ninkan lagu helay ayaa waxa uu soo baxay kadib markii saraakiisha dambi baarista qarsoon ee wareysatay uu u sheegay in Toban kun oo Dollar oo madax furasho ahaan loo siiyay, kadib markii uu ka dalaalay dhinacyada, waxaase Maxkamadda uu ka dhex sheegay isaga laftirkiisa in loo heystay afduub.

Xukunka rasmiga ah ee Cali Cumar ayaa ah sida werbaahinta qaar ay qorayaan xabsi daa’in la filayo in lagu dhawaaqo sanadka soo socda 2018-ka, waxaana ninkan gudaha dalka Canada lagu qabtay 2015-kii.

Amanda Linhod ayaa shalay oo Arbaco aheyd waxa ay Maxkamadda ka hor sheegtay iyada oo ilmeyneysa markii ay aragtay Cali Cumar Adeer in ay dhowr jeer la kulantay faraxumeyn, la garaacay, loona hanjabay, islamarkaana laga wareejiyay
dhowr jeer goobtii afduub ahaanta loogu heystay, Gabadhaasi wariyaha ah Hooyadeed iyo dadka reer Canada ayaa dhaqaale ay uruuriyeen Madax furasho loogu soo daayay.

9 sano kahor ayaa Gabadhan waxaa lagu afduubtay magaalada Muqdisho sanadkii 2008-dii, markaasi oo ay wada
shaqeynayeen wariye Madax banaan, waxaana labadoodaba madax furashadii dhaqaalaha aheyd ee la uruuriyay lagu soo daayay sanadkii 2009-kii bishii November.

You may also like

Wasaaradda Gaashaandhiga Somalia Oo Soo Bandhigtay Waqtiga Ka Bixitaanka Ciidamada AMISOM Ee Dalka.

Wasaaradda Gaashaandhiga Somal..

Wasaaradda Gaashaandhiga Somalia Oo Soo Bandhigtay Waqtiga Ka Bixitaanka Ciidamada AMISOM Ee Dalka.

read more
Wasiir Beyle ”Bankiga Adduunka iyo IMF waxay ku qanceen qaabka maamulka Maaliyadda

Wasiir Beyle ”Bankiga Adduun..

Wasiir Beyle ”Bankiga Adduunka iyo IMF waxay ku qanceen qaabka maamulka Maaliyadda

read more
Wasaaradda Dastuurka oo Muqdisho ku soo xirtay Tababar heer sare ah

Wasaaradda Dastuurka oo Muqdis..

Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS Mudane Dr. Xuseen Cabdi Cilmi ayaa soo xiray […]

read more

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *