• Wasaaradda Gaashaandhiga Somalia Oo Soo Bandhigtay Waqtiga Ka Bixitaanka Ciidamada AMISOM Ee Dalka.Read More
  • Wasiir Beyle ”Bankiga Adduunka iyo IMF waxay ku qanceen qaabka maamulka MaaliyaddaRead More
  • Wasaaradda Dastuurka oo Muqdisho ku soo xirtay Tababar heer sare ahRead More
  • Guddoomiye Xuseen “Waxaa naga go’an in shacabka guryahooda loogu geeyo Dawladnimada”Read More
  • Cabsi dhinaca Amaanka ah oo ka taagan gobolka Waqooyi Bari KenyaRead More

Maxamuud C/llaahi oo buuxiyay kursigii uu ka geeriyooday walaalkiis wasiir Cabaas Siraaji.

-Maxamuud Cabdulaahi Siraaji oo ay walaalo yihiin Allaha u naxariistee wasiirkii hore ee wasaarada Howlaha guud iyo guriyeynta ee xukumada hadda jirta oo sanadkii hore lagu dilay meel u dhaw Madaxtooyada Sooomaaliya ayaa ku guuleystay kursigii uu ka geeriyooday walaalkiis ee ka banaanay Golaha Shacabka ee Soomaaliya.

Kursigaan ayaa doorashadiisa waxay ka dhacday Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose waxaana u muuqday kursi aan lagu tar tamin maadaama dhamaan ergooyinkii codeynaayay ay codkooda siiyeen Maxamuud Cabdulaahi Shiikh Siraaji, oo wax cod ah aysan helin Fardowso Xuseen Maxamed oo u taagneed qabashada kursigaan.

Maxamuud Cabdulaahi Shiikh Siraaji ayaa helay 50 cod, taasoo oo muujineysa in si aqlabiyad leh ugu guuleystay Kursigii uu baneeyay walaalkiis ee Golaha shacabka waxaa uu ka mid noqonayaa dhalinyarada ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya wixii xiligaan ka danbeeya.

You may also like

Daadad dad ku dilay tuulada Aw-Barkhadle

Daadad dad ku dilay tuulada Aw..

Inta la xaqiijiyay Hal qof ayaa ku dhintay kadib markii dooxa tuulada Aw-Barkhadle ee Bariga […]

read more
Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in dib loo howlgelinayo Kuliyaddii ciidamada Jaalle Siyaad (Daawo Sawirro)

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay..

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in dib loo howlgelinayo Kuliyaddii ciidamada Jaalle Siyaad (Daawo Sawirro)

read more
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dib ugu laabtay Xafiiskii Wasaaradda Gaashaandhigg

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fed..

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

read more

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *