• SAWIRO:RW Kheyre oo la kulmay Madaxda Dowladaha ay Ciidamada ka joogaan SomaliaRead More
  • TOOS U DAAWO :Shirka guud ee Qaramada Midoobey oo Furmay iyo R/W Kheyre oo khudbad hada jeedinayaRead More
  • (SAWIRRO) War-murtiyeedka Shirka Madasha Wasaaradaha Dastuurka ee DF & D/GoboleedyadaRead More
  • Faah faahin: Dagaal ka dhacay HiiraanRead More
  • WARBIXIN: M/Goboleedyada oo dhaqaale ku qaatay taageerada SacuudigaRead More

Maxaa looga hadlayaa kulanka Xildhibanada BF ee berri ?

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri oo Arbaco ah waxa ay yeelan doonaan kulan ajandihiisa uu yahay kiiska Saraalka ONLF ee C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax), sida ay sheegeen Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho.

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa sheegay in xildhibaanada loo soo diray fariin qoraaleed loogu sheegayo in uu jiro kulan, kaasi oo qodobada looga hadlayo ay ka mid yihiin arrinta (Qalbi-dhagax).

Kulanka berri ay yeelanayaan xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxa uu yahay mid xasaasi ah, maadaama Mudanayaasha Baarlamaanka ay ku kala qeybsameen arinta C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax), muran fara badana ay abuurtay.

Sabtidii ina dhaaftay kulan ay yeelan lahaayeen xildhibaanada Baarlamaanka ayaa waxa uu u baaqday kooram la’aan, taasi bedelkeeda qaar ka tirsan xildhibaanada ayaa Dowladda ku eedeeyay in ay ka dambeysay baaqashada kulanka.

Xildhibaanada Aqalka Sare ee dalka oo shalay kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa dib u dhigay ka hadalka Kiiska C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax), kadib markii Xildhibaanada qaar ay soo jeediyeen in Ajandaha laga saaro kulanka, halka Xildhibaanada qaarna ay ku adkeysteen in aanan laga saarin Ajandaha kulanka, taasi oo dhalisay buuq ka dhex dhashay xarunta Aqalka Sare ee dalka.

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo 6-dii bishan kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegeen (Qalbi-dhagax) inuu xiriir lahaa Al-shabaab, uuna yahay Argagixiso, sidaasina ay ugu wareejiyeen Itoobiya.

You may also like

DHAGEYSO WARBIXIN) Erdogan iyo Amir Tamim oo Kulmaya

DHAGEYSO WARBIXIN) Erdogan iyo..

Madaxweynaha dalka Turkiga Raceb Tayib Erdogan iyo amiirka dalka Qatar Tamim bin Hamad al-Thani ayaa […]

read more
DF iyo Hay’adda ICAO oo heshiis kala saxiixday

DF iyo Hay’adda ICAO oo hesh..

Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya shalay waxaa heshiis ku kala saxiixday Hay’adda maamusha hawada […]

read more
Malaysiya Dad Badan Ayaa ku geeriyoodey Sababta Maxay Tahay?

Malaysiya Dad Badan Ayaa ku ge..

Ugu yaraan 24 qof ayaa ku geeriyooday dab ka kacay Iskool, kuwa geeriyoodey ayaa u […]

read more

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *