• Wasaaradda Gaashaandhiga Somalia Oo Soo Bandhigtay Waqtiga Ka Bixitaanka Ciidamada AMISOM Ee Dalka.Read More
  • Wasiir Beyle ”Bankiga Adduunka iyo IMF waxay ku qanceen qaabka maamulka MaaliyaddaRead More
  • Wasaaradda Dastuurka oo Muqdisho ku soo xirtay Tababar heer sare ahRead More
  • Guddoomiye Xuseen “Waxaa naga go’an in shacabka guryahooda loogu geeyo Dawladnimada”Read More
  • Cabsi dhinaca Amaanka ah oo ka taagan gobolka Waqooyi Bari KenyaRead More

Mareykanka oo Suuriya uga digay inuu weli diyaar u yahay inuu duqeeyo

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa uga digay dowladda Suuriya

in Mareykanku uu diyaar u yahay inuu markale weerrar ku qaado haddii ay qaaddo weerrar cusub oo kiimiko ah.

Digniinta ayaa timid kaddib markii wadammada Mareykanka, Britain iyo Faransiiska ay weerrar ku ekeeyeen saddex goobood oo ku yaal waddanka Suuriya taas oo ay kaga jawaabayeen weerrar ay dad badan ku dhinteen oo la sheegay in loo adeegsaday hubka kiimikada ah, kaas oo todobaadkii tegay lagu qaaday magaalada Douma.

Suuriya ayaa diidday inay adeegsatay wax hub kiimiko ah, waxa ayna sheegtay in weerrarka ay been abuureen kooxaha fallaagada.

Cod uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu soo hirdhigay Ruushka oo uu xulafo la ah Suuriya oo lagu cambaaraynayay weerrarka uu horkacayay Mareykanka ayaa la diiday.

Weerrarka saddexda dal ay ku qaadeen Suuriya ayaa noqonaya midkii ugu weynaa ee ay Reer Galbeedku ku qaadaan dowladda Madaxweyne Bashaar al-Assad tan iyo markii uu dalkaasi ka bilowday dagaalka sokeeye todoba sano ka hor

Dhanka kale, milatariga dalka Suuriya ayaa shaaciyay in uu gebi ahaanba la wareegay gobolka bariga Duuma oo ay mucaaradku maamuli jireen.

Fallaagadii ugu dambeysay ayaa basas uga baxay magaalada Duuma, iyagoo ku sii wajahan dhanka woqooyiga dalkaasi Suuriya.

Fallaagada kooxda Jeysh Al-Islaam ayaa ugu dambeyntii la soo dhaafay usbuucii aqbalay in ay isaga baxaan magaaladan, waxaana bixitaankooga uu ku soo beegmaya maalmo kaddib amrkii la sheegay in magaaladaasi uu ka dhacay weerar loo adeegsaday hubka kiimikada.

You may also like

Daadad dad ku dilay tuulada Aw-Barkhadle

Daadad dad ku dilay tuulada Aw..

Inta la xaqiijiyay Hal qof ayaa ku dhintay kadib markii dooxa tuulada Aw-Barkhadle ee Bariga […]

read more
Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in dib loo howlgelinayo Kuliyaddii ciidamada Jaalle Siyaad (Daawo Sawirro)

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay..

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in dib loo howlgelinayo Kuliyaddii ciidamada Jaalle Siyaad (Daawo Sawirro)

read more
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dib ugu laabtay Xafiiskii Wasaaradda Gaashaandhigg

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fed..

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

read more

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *