• Wasaaradda Gaashaandhiga Somalia Oo Soo Bandhigtay Waqtiga Ka Bixitaanka Ciidamada AMISOM Ee Dalka.Read More
  • Wasiir Beyle ”Bankiga Adduunka iyo IMF waxay ku qanceen qaabka maamulka MaaliyaddaRead More
  • Wasaaradda Dastuurka oo Muqdisho ku soo xirtay Tababar heer sare ahRead More
  • Guddoomiye Xuseen “Waxaa naga go’an in shacabka guryahooda loogu geeyo Dawladnimada”Read More
  • Cabsi dhinaca Amaanka ah oo ka taagan gobolka Waqooyi Bari KenyaRead More

Mareykanka iyo Soomaaliya oo 30 Sano Kadib kala saxiixday Heshiis 300-Milyan oo Dollar ah

Hey’adda (USAID) oo wakiil ka ah Mareykanka ayaa heshiis horumarineed oo taariikhi ah la saxiixatay Soomaaliya, Heshiiska oo (DOAG) loogu magac-daray waxaa goobjoog ka ahaa ra’isul wasaare Xasan Kheyre, Wasiirka qorsheynta Jamaal Maxamed iyo Wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle.

Dhanka Mareykanka waxaa joogay ku-xigeenka USAID Afrika Julie Koenen iyo safiirka Mareykanka Martin Dale.
Heshiiskan waxaa uu ka dhigan yahay kii ugu horeeyay ee labada dhinac ay galaan muddo 30 sano ka badan, ujeedka waa in barnaamijkan lagu xoojiyo dowladnimada Soomaaliya, xasiloonida iyo dimoqoraadiyadda.

Waxyaabaha dowladda federaalka laga taageerayo waxaa ka mid ah dowlad wanaagga, maamulka, waxbarashada, kobaca dhaqaalaha iyo howlaha lagu horumarinayo nabadda iyo xasiloonida dalka. Howlaha uu heshiiska dhigayo waxaa la fulinayaa iyada oo ay ka wada shaqeyn-doonaan dowladda federaalka ah.

“Dowladda Mareykanka, waxaa ay aad u taageereysaa dadaallada xukuumadda Soomaaliya ee lagu soo celinayo xasiloonida, dowlad wanaagga, kobaca dhaqaalaha iyo waxbarashada” sidaa waxaa yiri Julie Koenen.

“ Waxaan rumeysanay in heshiiskan uu ka tarjumayo sida ay nooga go’antahay garab istaagista sidii ay Soomaaliya dib
ugu soo noqon laheyd iyo in la helo hadaf horumarineed oo fog” sidaasi waxaa yiri Martin Dale isaga oo intaasi raaciyay ” Heshiiskan waxaa ay ka dhigan tahay iskaashi ballaaran oo dhex-mara Mareykanka iyo Soomaaliya, waxaan ballan-qaadeynaa in aan taageerno himilada shacabka Soomaaliyeed ay ku heli lahaayeen horumar”.

Wasiirka qorsheynta ee Soomaaliya Jamaal Maxamed ayaa sheegay in maanta uu goobjoog ka ahaa heshiis ay dalka Mareykanka 300 oo Milyan oo doolar la saxiixdeen, kaas oo loogu talo-galay in wax looga qabto horumarka Soomaaliya.
2011-kii, USAID waxaa ay in ka badan $1.3 billion ku qarash-gareeysay arrimaha banii’aadnimada iyo $328 million o arrimaha horumarka ah.

You may also like

Wasaaradda Gaashaandhiga Somalia Oo Soo Bandhigtay Waqtiga Ka Bixitaanka Ciidamada AMISOM Ee Dalka.

Wasaaradda Gaashaandhiga Somal..

Wasaaradda Gaashaandhiga Somalia Oo Soo Bandhigtay Waqtiga Ka Bixitaanka Ciidamada AMISOM Ee Dalka.

read more
Wasiir Beyle ”Bankiga Adduunka iyo IMF waxay ku qanceen qaabka maamulka Maaliyadda

Wasiir Beyle ”Bankiga Adduun..

Wasiir Beyle ”Bankiga Adduunka iyo IMF waxay ku qanceen qaabka maamulka Maaliyadda

read more
Wasaaradda Dastuurka oo Muqdisho ku soo xirtay Tababar heer sare ah

Wasaaradda Dastuurka oo Muqdis..

Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS Mudane Dr. Xuseen Cabdi Cilmi ayaa soo xiray […]

read more

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *