• Wasaaradda Gaashaandhiga Somalia Oo Soo Bandhigtay Waqtiga Ka Bixitaanka Ciidamada AMISOM Ee Dalka.Read More
  • Wasiir Beyle ”Bankiga Adduunka iyo IMF waxay ku qanceen qaabka maamulka MaaliyaddaRead More
  • Wasaaradda Dastuurka oo Muqdisho ku soo xirtay Tababar heer sare ahRead More
  • Guddoomiye Xuseen “Waxaa naga go’an in shacabka guryahooda loogu geeyo Dawladnimada”Read More
  • Cabsi dhinaca Amaanka ah oo ka taagan gobolka Waqooyi Bari KenyaRead More

Madaxweyne Farmaajo Oo U Ambabaxay Dalka Sacuudiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka u ambabaxay Magaaladda Dammaam ee dalka Sucuudiga,

halkaas oo uu ka furmi doono Shirka 29-aad ee Madaxda waddamada ku mideysan Ururka Jaamacadda Carabta.

Shirkan waxaa diirradda lagu saarayaa qadiyadda Falastiin, dagaalka ka dhanka argagixisada iyo xiisadaha ka taagan dalalka Suuriya, Yamen iyo Liibiya, iyadoona madaxda carabtu ay si qoto dheer uga doodi doonaan xal u helista dhibaatooyinka ka jira dalalka xubnaha ka ah ururka Jaamacadda Carabta.

“Madaxweyne Farmaajo waxa uu khudbad ka jeedin doonaa shirka, isagoona Madaxda kale ee waddamada Carabta la wadaagi doona xaaladaha siyaasadda, ammaanka iyo horumarka ka socda dalka.” Ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed.

Horrey waxaa ugu sugnaa dalka Sucuudiga wafdi uu hoggaaminayay Wasiirka arrimaha dibadad Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad oo hordhac u ahaa wafdiga Madaxweynaha, sidoo kalana ka qeyb galayay shir wasiirrada arrimaha dibadda ee Jaamacadda carabta oo khamiistii ka furmay magaalada Riyaad, laguna qorsheynayey ciwaannada Shirka 29aad ee Madaxweynayaasha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta shirkan uu socdo waxa uu shir-doceedyo la yeelan doona Madaxda qaar ee shirka ka qeybgalaya, iyagoona ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka, iskaashiga iyo danaha guud ee kala dhaxeeya dalalkaas Soomaaliya.

You may also like

Daadad dad ku dilay tuulada Aw-Barkhadle

Daadad dad ku dilay tuulada Aw..

Inta la xaqiijiyay Hal qof ayaa ku dhintay kadib markii dooxa tuulada Aw-Barkhadle ee Bariga […]

read more
Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in dib loo howlgelinayo Kuliyaddii ciidamada Jaalle Siyaad (Daawo Sawirro)

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay..

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in dib loo howlgelinayo Kuliyaddii ciidamada Jaalle Siyaad (Daawo Sawirro)

read more
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dib ugu laabtay Xafiiskii Wasaaradda Gaashaandhigg

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fed..

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

read more

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *