• Wasaaradda Gaashaandhiga Somalia Oo Soo Bandhigtay Waqtiga Ka Bixitaanka Ciidamada AMISOM Ee Dalka.Read More
  • Wasiir Beyle ”Bankiga Adduunka iyo IMF waxay ku qanceen qaabka maamulka MaaliyaddaRead More
  • Wasaaradda Dastuurka oo Muqdisho ku soo xirtay Tababar heer sare ahRead More
  • Guddoomiye Xuseen “Waxaa naga go’an in shacabka guryahooda loogu geeyo Dawladnimada”Read More
  • Cabsi dhinaca Amaanka ah oo ka taagan gobolka Waqooyi Bari KenyaRead More

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in dib loo howlgelinayo Kuliyaddii ciidamada Jaalle Siyaad (Daawo Sawirro)

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in dib loo howlgelinayo Kuliyaddii ciidamada Jaalle Siyaad (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta kormeer ku tagay kuliyadda Jaalle Siyaad oo hadda ay xarun u tahay ciidanka Burundi ee qaybta ka ah howl-galka Nabad ilaalinta AMISOM ee Soomaaliya.

Kuliyadda Ciidamada Jaalle Siyaad ayaa ka mid aheyd xiligii beri samaadkii kuliyadaha Jaamacadda Ummadda, waxaana lagu tababari jiray ardayda ka soo baxday dugsiyada sare ee dooneysa iney ku biiraan qeybaha kala duwan ee ciidamada dalka.

Kormeerka Madaxweynaha oo ay ku wehliyeen Madaxa howlgalka AMISOM Fransisco Madeira abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka Jen. C/llaahi Cali Caanood, Taliyaha Ciidanka Asluubta S/Guud. Bashiir Maxamed Jaamac (B.Goobe) iyo saraakiil kale

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa cutub ka mid ah ciidanka AMISOM ee Burundi salaan sharaf ka qaatay, wuxuuna kulan gaar ah la yeeshay wakiilka Midowga Afarica ee Somalia iyo saraakiisha ciidanka Burundi ee saldhiga u ah kuliyada Jaalle Siyaad, Madaxweynaha ayaa ka xog waraystay xaalada xerada iyo dadaalada ciidanka Burundi ay wadaan kaasoo ku aadan howlgalka dowladdu ku cirib tirayso argagaxisada Al-Shabaab.

Wakiilka Midowga Africa ee Somalia Mr.Maderia ayaa Madaxweynaha Soomaaliya ku sheegay inuu yahay masuul ay ka go’an tahay dhismaha ciidan xooggan uu dalka yeesho iyo in la soo afjaro kooxda Al-Shabaab,wuxuuna tusaale u soo qaatay sida uu ugu soo guuray Wasaaradda Gaashaandhigga oo mudooyinkii dambe uu ku shaqaynayay.

Kulanka marka uu soo idlaaday Madaxweynaha ayaa kormeeray qaybaha ay ka kooban tahay kuliyada Jaalle Siyaad, wuxuuna ku amaanay ciidanka AMISOM siday xilli kasta ugu heelan yihiin dowladda iney ku garab siiyaan sidii Al-Shabaab loogu adkaan lahaa.

Abaanduullaha Ciidanka Xoogga dalka Jen. C/llaahi Cali Caanood ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo balan-qaaday in dowladu ay dib u howlgalineyso Kuliyaddii Ciidamada Jaalle Siyaad si loo saaro saraakiil iyo ciidamo tayadoodu aad u sareyso oo la wareega amaanka dalka.

You may also like

Daadad dad ku dilay tuulada Aw-Barkhadle

Daadad dad ku dilay tuulada Aw..

Inta la xaqiijiyay Hal qof ayaa ku dhintay kadib markii dooxa tuulada Aw-Barkhadle ee Bariga […]

read more
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dib ugu laabtay Xafiiskii Wasaaradda Gaashaandhigg

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fed..

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

read more
Faahfaahin dagaal culus oo ka dhacay degaanka Qooqaani

Faahfaahin dagaal culus oo ka..

Faahfaahin dagaal culus oo ka dhacay degaanka Qooqaani

read more

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *