Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku guda jira socdaalka nabadda ee uu ku marayo qeybo ka mid ah gobollada dalka ayaa gaaray magaalada Qardho ee Gobolka Bari.
Madaxweynaha ayaa waxaa si dirran ugu soo dhaweeyey Qardho kumanaan shacab ah oo isugu soo baxay fagaarayaasha magaalada iyaga oo ruxaya calanka Jamhuuryadda Federaalka Soomaaliya.
Markii ugu horeysay, tan iyo markii loo doortay xilka madaxweynaha, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayay maraysaa leyrta ama hanfida dhulka baaxadda leh ee Soomaaliya.
Wuxuu marayaa dhulka qarfaha iyo buuraha ah ee caanka ku ah beeyada iyo xijiga ee Bari, dhul geedka uu aad ugu yaryahay balse lagu sheegay kaydka kheyraadka dabiiciga ah oo aanan wali lasoo faganin.
Xaalado ammaan dartood ayaa nan madaxweynaha ayaa horay ugu suurta galinin in uu socdaal xagga dhulka ku tago magaalooyinka dalka marka laga reebo Afgooye oo caasimadda u jirta 30km oo kaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C.llaahi Farmaajo ayaa maanta la filayaa inuu la kulmo isimada iyo waxgaradka ku dhaqan magaalada Qardho ee Gobolka Bari.
Wasaaradda Gaashaandhiga Somalia Oo Soo Bandhigtay Waqtiga Ka Bixitaanka Ciidamada AMISOM Ee Dalka.
read moreWasiir Beyle ”Bankiga Adduunka iyo IMF waxay ku qanceen qaabka maamulka Maaliyadda
read moreWasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS Mudane Dr. Xuseen Cabdi Cilmi ayaa soo xiray […]
read more
Leave a Reply