• Wasaaradda Gaashaandhiga Somalia Oo Soo Bandhigtay Waqtiga Ka Bixitaanka Ciidamada AMISOM Ee Dalka.Read More
  • Wasiir Beyle ”Bankiga Adduunka iyo IMF waxay ku qanceen qaabka maamulka MaaliyaddaRead More
  • Wasaaradda Dastuurka oo Muqdisho ku soo xirtay Tababar heer sare ahRead More
  • Guddoomiye Xuseen “Waxaa naga go’an in shacabka guryahooda loogu geeyo Dawladnimada”Read More
  • Cabsi dhinaca Amaanka ah oo ka taagan gobolka Waqooyi Bari KenyaRead More

Madaxweyne Farmaajo oo booqashadii u horeysay ku tagaya mid ka mid ah dalalka deriska

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in dhamaadka bishan uu booqasho ku tago dalka Kenya, taasoo noqon doonta booqashadii u horeysay ee uu ku tago mid ka mid ah dalalka deriska ah.

Sida ay sheegayaan warar ay heleyso  Warbaahinta  Madaxweynaha ayaa uga qeyb galaya Nairobi shir gaar ah oo Madaxda Urur Goboleedka IGAD uga arrinsanayaan xaalada qaxootiga Soomaaliya.

Dowladda Kenya ayaa horay u iclaamisay inay marti gelin doonto shir gaar ah oo Madaxda IGAD uga hadlayaan arrimaha qaxootiga, iyadoo Kenya ay u aragto in dhib weyn ku heyso qaxootiga faraha badan ee dalkeeda ku sugan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay in la soo gaarsiiyay casuumaada shirkan, waxaana ka sokow casuumaada shirkaas jiray martiqaad rasmi ah oo Madaxweynaha Kenya u fidiyay, markii uu u imaanayay caleema saarkiisa bishii la soo dhaafay.

Aadan Barre Ducaale oo ah Hoggaamiyaha Aqlabiyada badan ee Baarlamaanka Kenya ayaa xalay ka sheegay xaflad ka dhacday magaalada Nairobi oo lagu taageerayay dowladda cusub, in dhamaadka bishan uu Madaxweyne Farmaajo booqasho rasmi ah ku imaan doono dalka Kenya.
Waxaa uu sheegay inay si weyn u soo dhoweyn doonaan Madaxweynaha, isagoo tilmaamay ka hor imaanshihiisa ay dowladda kenya qaadi doonto tallaabo weyn oo xiriirka labada dal muujinaysa.

Kenya iyo Soomaaliya ayaa xilligan waxaa u dhaxeeya muran la xiriira badda, iyadoo Maxkamadda Caalamiga ay hor-taala dooda labada dal u dhaxeysa oo dhowaan Maxkamaddu go’aamisay inay qaado.
Dowladdii uu hoggaaminayay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh ayaa meel fiican gaarsiisay dacwada taala Maxkamadda Hague, iyadoo dhowr jeer diiday in dacwada lagu xaliyo wada hadal, si looga maarmo Maxkamadda.
Xigasho Jowhar

You may also like

Daadad dad ku dilay tuulada Aw-Barkhadle

Daadad dad ku dilay tuulada Aw..

Inta la xaqiijiyay Hal qof ayaa ku dhintay kadib markii dooxa tuulada Aw-Barkhadle ee Bariga […]

read more
Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in dib loo howlgelinayo Kuliyaddii ciidamada Jaalle Siyaad (Daawo Sawirro)

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay..

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in dib loo howlgelinayo Kuliyaddii ciidamada Jaalle Siyaad (Daawo Sawirro)

read more
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dib ugu laabtay Xafiiskii Wasaaradda Gaashaandhigg

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fed..

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

read more

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *