• Wasaaradda Gaashaandhiga Somalia Oo Soo Bandhigtay Waqtiga Ka Bixitaanka Ciidamada AMISOM Ee Dalka.Read More
  • Wasiir Beyle ”Bankiga Adduunka iyo IMF waxay ku qanceen qaabka maamulka MaaliyaddaRead More
  • Wasaaradda Dastuurka oo Muqdisho ku soo xirtay Tababar heer sare ahRead More
  • Guddoomiye Xuseen “Waxaa naga go’an in shacabka guryahooda loogu geeyo Dawladnimada”Read More
  • Cabsi dhinaca Amaanka ah oo ka taagan gobolka Waqooyi Bari KenyaRead More

Madaxweynaha Soomaaliland oo hogaamiyaasha xisbiyada mucaaradka kala hadlay heshiiska Dekadda Berbera.

Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta waxaa uu xaalada ku aadam heshiiska dekadda Berbera kala hadlay gudoomiyaasha xisbiyada Mucaaradka  Soomaalilaand ee UCID iyo Wadani.

Muuse Biixi madaxweynaha Soomaaliland ayaa kulanka la qaatay Feysal Cali waraabe  iyo sidoo kale  C/raxmaan Maxamed Cirro waxaana uu kala hadlay sidii ay meel uga soo wada jeesan lahaayeen go’aan mideysana uga qaadan lahaayeen diidmada dowladda Soomaaliya ee heshiiska dekadda Berbera.

Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliland Maxamuud Warsame Jaamac oo warbaahinta la hadlay kadib kulanka ayaa waxaa uu sheegay in madaxweynaha Soomaaliland uu Hogaamiyaasha xisbiyada UCID iyo Wadani kala hadlay xiisadaha ka soo cusboonaaday heshiiska dekadda Berbera islamarkaana ay isla garteen in madax banaanida Soomaaliland ay tahay muhiimada 1aad sida uu afhayeenka sheegay.

Kulanka madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi uu la qaatay madaxda xisbiyada ayaa imaanaya kadib markii 5-tii bishan aan ku jirno gudoomiyaha xisbiga wadani Cabdiraxmaan Cirro uu dhaliilay heshiiska sadex geesoodka ah ee dekadda Berbara .

Hase yeeshee Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta xaarantimeeyay heshiiskasta oo gudaha dalka quseeya ee lala galay shirkadda DPworld ee Imaaraadka laga leeyahay.

You may also like

Daadad dad ku dilay tuulada Aw-Barkhadle

Daadad dad ku dilay tuulada Aw..

Inta la xaqiijiyay Hal qof ayaa ku dhintay kadib markii dooxa tuulada Aw-Barkhadle ee Bariga […]

read more
Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in dib loo howlgelinayo Kuliyaddii ciidamada Jaalle Siyaad (Daawo Sawirro)

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay..

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in dib loo howlgelinayo Kuliyaddii ciidamada Jaalle Siyaad (Daawo Sawirro)

read more
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dib ugu laabtay Xafiiskii Wasaaradda Gaashaandhigg

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fed..

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

read more

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *