• Wasaaradda Gaashaandhiga Somalia Oo Soo Bandhigtay Waqtiga Ka Bixitaanka Ciidamada AMISOM Ee Dalka.Read More
  • Wasiir Beyle ”Bankiga Adduunka iyo IMF waxay ku qanceen qaabka maamulka MaaliyaddaRead More
  • Wasaaradda Dastuurka oo Muqdisho ku soo xirtay Tababar heer sare ahRead More
  • Guddoomiye Xuseen “Waxaa naga go’an in shacabka guryahooda loogu geeyo Dawladnimada”Read More
  • Cabsi dhinaca Amaanka ah oo ka taagan gobolka Waqooyi Bari KenyaRead More

Macron oo Trump “ku qanciyay” in ciidammada Maraykanku aysii joogaan Suuriya

Macron oo Trump “ku qanciyay” in ciidammada Maraykanku aysii joogaan Suuriya

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in uu madaxweynaha Maraykanka Donald Trump “ku qanciyay” in uusan ciidammada kala bixin Suuriya taas badalkeedana uu wakhtiga u sii kordhiyo.

Bishan horraanteedii ayuu madaxweyne Trump ku dhawaaqay “in ciidammada Maraykanku ay si dhakhso ah uga baxayaan Suuriya”

Sabtidiina weerarro ay si wado jir ah u fuliyeen Maraykanka, UK iyo Faransiiska ayaa lagu bartilmaameedsaday goobo ay dawladda Suuriya leedahay.

Macron ayaa sheegay in uu sidoo kale Trump ku qanciyay in weerarradaas la xaddido.

Labada nin oo la sheegay in ay xiriir wanaagsan leeyihiin ayaa marar kala duwan wadahadlay maalmihii ka horreeyay weerarka milatari ee ay qaadeen.

Markii uu Macron ka soo yeeray hadalkaasna, Sarah Sanders oo ah afhayeen u hadashay Aqalka Cad ayaa sheegtay in aysan waxba iska badalin fikirkii madaxweynaha, aragtida madaxweynuhuna ay caddahay oo uu rabo in ciidammadu ay dalka dib ugu soo laabtaan sida ugu dhakhso badan.

Laakiin waxay intaas ku dartay in ay Maraykanka ka go’antahay in uu si buuxda u burburiyo “kooxd Dawladda Islaamka kana hor tagto in ay dib u soo laabtaan.

Maraykanka waxaa bariga Suuriya ka jooga ciidammo lagu qiyaasay ilaa 2,000 oo askari oo afantari ah, isaga oo taageeraya xulafada Kurdiyiinta iyo Carabta ah ee loo yaqaanno SDF.

You may also like

Daadad dad ku dilay tuulada Aw-Barkhadle

Daadad dad ku dilay tuulada Aw..

Inta la xaqiijiyay Hal qof ayaa ku dhintay kadib markii dooxa tuulada Aw-Barkhadle ee Bariga […]

read more
Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in dib loo howlgelinayo Kuliyaddii ciidamada Jaalle Siyaad (Daawo Sawirro)

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay..

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in dib loo howlgelinayo Kuliyaddii ciidamada Jaalle Siyaad (Daawo Sawirro)

read more
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dib ugu laabtay Xafiiskii Wasaaradda Gaashaandhigg

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fed..

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

read more

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *