• SAWIRRO”Aabaha Wiil yar oo Boorso lagu tahriibinayay oo Xabsi ka bad baadayRead More
  • Kulan ay K/ Waqooyi iyo Maraykanka yeelan lahaayeen oo la baajiyayRead More
  • SAWIRRO’RW Kheyre & Madax kale oo ka qeyb galay Janaasada marxuum Axmed Diiriye CaliRead More
  • Ciidamada Badda Soomaaliya oo markii ugu horeysay bur-burkii kadib ka qayb galay dhoolatus Caalami ah oo ka dhacay Xeebaha Soomaaliya.Read More
  • SAWIRRO: Dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku xiran xabsiyada LibyaRead More

M/Gobolka Banaadir oo caawa casho sharaf u sameynaya Madaxda M/Goboleedyada

Maamulka Gobolka Banaadir gaar ahaan Guddoomiyaha Gobolka ahna Duqa magaalada Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa caawa casho sharaf ku casuumay Madaxda Maamul Goboleedyada dalka, taasi oo ka dhaceysa xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.

Munaasabaddan casho sharafta ah ayaa waxaa ka qeyb galaya sida uu qorshaha yahay Madaxweynayaasha Maamulada Puntland, Jubbaland, Galmudug, Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo casho sharafta fidiyay.
Hoggamiyeyaasha Dowlad Goboleedyada dalka ayaa Muqdisho u yimid ka qeyb galka shirkii Golaha Amniga Qaranka oo Lixdii bishan ka furmay Madaxtooyada, kaasi oo xalay saq dhexe la soo gaba gabeeyay, lagana soo saaray War-murtiyeed.

Munaasabaddan caawa waxaa ka maqnaan doona oo aanan ka qeyb gali doonin Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo maanta u duulay Magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti.

Ammaanka xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa si aad ah loo adkeeyay, Ciidamo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa galabta dheer xiray jidadka gala xarunta, iyaga oo u diidaya Gaadiidka iyo dadka kale ee caadiga ah.

You may also like

SAWIRRO”Aabaha Wiil yar oo Boorso lagu tahriibinayay oo Xabsi ka bad baaday

SAWIRRO”Aabaha Wiil yar..

Nin kasoo jeeda dalka Ivory Coast ayaa si dirqi ah xabsi uga bad baaday ,kadib markii […]

read more
Kulan ay K/ Waqooyi iyo Maraykanka yeelan lahaayeen oo la baajiyay

Kulan ay K/ Waqooyi iyo Marayk..

Aqalka cad ee Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in wakiilo ka socday Kuuriyada Waqooyi ay […]

read more
SAWIRRO’RW Kheyre & Madax kale oo ka qeyb galay Janaasada marxuum Axmed Diiriye Cali

SAWIRRO’RW Kheyre &..

Ra’iisul Wasaaraha xukuumada Somalia iyo masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galay salaada janaasada marxuum Nabadoon […]

read more

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *