• “SAWIRRO”Madaxweyne Farmaajo oo kulamo wadatashi la qaatay culumada iyo odayaasha dhaqanka ee CaabudwaaqRead More
  • SAWIRO; Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda Somalia oo shir muhiim ah uga qeyb galay SacuudigaRead More
  • DAAWO MUQAAL: Madaxweyne Ku Xigenka Somaliland Oo Gaaray Tukaraq Iyo Xiisad Ka DhalatayRead More
  • SAWIRRO: Ciidamada Kenya ee galay Ceelwaaq oo Qarax ku bur buriyay Xarunta Shirkadda HormuudRead More
  • Ra’iisul Wasaare Kheyre oo kusii jeedda dalka SwitzerlandRead More

Kuuriyada Koonureed oo markab dagaal usoo dirtay xeebaha dalka Somalia

Dowlada Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay in markab dagaal oo nooca wax burburiya ah usoo dirtay xeebaha dalka Soomaaliya

ay uu qeyb uga qeyb qaato howlgalka la dagaalanka Burcad-badeeda.

Markabka dagaal oo ay la socdeen ciidamo kuwa badda ah ayaa ku biiray ciidamada Midowga Yurub ee howlgalka Atalanta ka fulinayo xeebaha Somalia, sida laga soo xigtay wasaarada difaaca Kuuriyada Koonfureed.

Sarkaal katirsan Militariga Kuuriyada Koonfureed ayaa u sheegay Wakaalada wararka dalkaasi ee Yonhap in markabka dagaal uu soo gaarey xeebta ku dhaw magaalada Boosaaso, halkaasi oo inta badan ay ka dhacaan falalka afduubka Maraakiibta shisheeye.

Ciidamada Midowga Yurub ayaa waxay ka howlgalaan biyaha ku dhaw gobolka Bari oo kulaala gacanka cadmeed, halkaasi oo marin muhiim u ah maraakiibka ganacsi ee laga leeyihin dalalka caalamka.

Howlgalka Markabiinta Midowga Yurub ayaa ah ilaalinta maraakiibka shixnadaha ganacsiga xambaarsan ee isticmaalo xeebaha dalka Soomaaliya, kuwaasi oo looga baqayo inay afduubtaan kooxaha Burcad badeeda ah.

Sidoo kale dowlada Spain ayaa markab dagaalo oo ah kuwa diyaaradaha ka duulaan kusoo biiriyay howlgalka caalamiga ah ee ka soconaya biyaha badda Somalia, kaasi oo lagu cirintirayo Burcad badeeda.

You may also like

Qudus: Trump oo u digay dalalka uu deeqda siiyo

Qudus: Trump oo u digay dalalk..

Qudus: Trump oo u digay dalalka uu deeqda siiyo

read more
Dagaal Caawa ka dhacay Degmada Afgooye iyo Faah faahino kasoo baxaya

Dagaal Caawa ka dhacay Degmada..

Dagaalyahano aad u hubeesan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa caawa weerar ku qaaday Degmada […]

read more
Daawo Sawirada Wabiga Shabelle oo mara Dagmada afgooye ayaa Guray  sida idiinka muuqata  Sawiradan

Daawo Sawirada Wabiga Shabelle..

Daawo Sawirada Wabiga Shabelle oo mara Dagmada afgooye ayaa Guray sida idiinka muuqata Sawiradan.

read more

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *