• Guddoomiye Jawaari oo ka dalbaday Xukuumadda in la horkeeno tirada Ciidamada Shisheeye ee dalka ku suganRead More
  • Kismaayo oo uu ka furmaayo shirkii Fiscal Federalism ee maareynta maaliyadda dalkaRead More
  • Wiil dhalinyaro ah oo lagu Gowracay MuqdishoRead More
  • Madaxweynaha Somaliland oo magacaabay Mas’uul cusubRead More
  • SAWIRRO: Wafdi ka socda QM oo yimid MuqdishoRead More

Ku dhawaad 30 Ruux oo ay ku jiraan Somalia oo la socday doon oo ku degtay badda Mediterranean.

-Sida ay sheegayaan wararka ay baahinayaan warbaahinta qaar 31 ruux oo tahriibayaal ah ayaa ku naf waayay kadib markii ay doon ay la socdeen ku degtay badda Mediterranean,ka.

Ciidamadda badda dalka Libya ayaa sheegay in dadka geeriyooday oo la socday doon ka baxday dalka Libya waxaana ay ku socdeen dalka Talyaaniga halkaasoo ay doonayeen inay uga sii gudbaan wadamada Yurub.

Dadka dhintay waxaa ku jira caruur iyo haween iyo caruur yar yar.

Sidoo kale ciidamada illaaladda badda Yurub ayaa bad baadshay 60 ruux oo kale oo la socday doon kale oo iyana la socotay doontay degtay.

Sargaal u hadlay ciidamada badda Libya oo la yiraahdo Korneyl Abu Ajala Cabdilbaari ayaa sheegay in dadka dhintay iyo kuwa la bad baadshayba ay u dhasheen dalalka Soomaaliya, Ethiopia, Eritrea Nigeria, iyo Pakistan.

Shilkaan waxaa uu ka dhacay meel qiyaastii 37 mile u jirta caasimada Libya ee Tripoli.

Khamiistiina 250 ruux oo tahriibayaal Afrikaan ayaa la bad baadshay sidoo kalena ciidamada badda Talyaaniga illaa  Taladaadii hore waxay sheegeen bad baadsheen in ka badan kun ruux oo doonyo ku tahriibayay.

Hay’adaha ka shaqeeya arrimaha dadka magangalyo doonka ah ayaa sheegay in 17 sanno ee lasoo dhaafay dadka ku geeriyooday badda Libya iyo Talyaaniga u dhaxaysa ay ku naf waayeen qiyaastii 33 kun oo ruux.

Sanadkaana waxaa la aaminsanyahay in dadka ayagoo tahriibaya ku maqan badda Mediterranean,ka waxay gaarayaan 3 kun oo ruux sida laga soo xigtay hay’adda IMO.
 

You may also like

Dowladda oo lagu soo wareejinayo Maxaabiista Seychelles

Dowladda oo lagu soo wareejina..

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa Xabsi ku yaalla Jaziiradda Mahe ee Seychelles […]

read more
SAWIRRO”Ra’iisul Wasaare kuxigeenka oo ka qeyb galay Shirka Wasiiradda Difaaca dowladaha Islaamka

SAWIRRO”Ra’iisul Wasaa..

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahadi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa ka qeyb galay shirka Wasiirada Difaaca […]

read more
Sawirro:-Wafdiga Baarlamaanka Jabuuti oo la kulmay Xildhibaanada Aqalka Sare

Sawirro:-Wafdiga Baarlamaanka..

Kulankan ayaa ahaa mid isbarasho ah waxaana wada-qaatay Wafdigii Xildhibaanadda ahaa ee ka socday Dalka […]

read more

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *