• Wasaaradda Gaashaandhiga Somalia Oo Soo Bandhigtay Waqtiga Ka Bixitaanka Ciidamada AMISOM Ee Dalka.Read More
  • Wasiir Beyle ”Bankiga Adduunka iyo IMF waxay ku qanceen qaabka maamulka MaaliyaddaRead More
  • Wasaaradda Dastuurka oo Muqdisho ku soo xirtay Tababar heer sare ahRead More
  • Guddoomiye Xuseen “Waxaa naga go’an in shacabka guryahooda loogu geeyo Dawladnimada”Read More
  • Cabsi dhinaca Amaanka ah oo ka taagan gobolka Waqooyi Bari KenyaRead More

Isu socodkii u dhaxeeyay Puntland iyo Somaliland oo la joojiyay

Waxaa gabi ahaanba la joojiyay isu socodkii u dhaxeeyay maamulada Somaliland iyo Puntland, gaar ahaan gaadiidkii ka tagi jiray Puntland ee aadi jiray Somaliland iyo kuwii ka imaan jiray Somaliland.

Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar Faraweyne oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay amarkan inuu ka soo baxay maamulka, wuxuuna tilmaamay in la joojiyay dhaq dhaqaaqii u dhaxeeyay Somaliland iyo Puntland, marka laga reebo gaadiidka ay wataan Masuuliyiinta iyo Ciidamada.

Wuxuu sheegay dadka ka soo jeeda degaanada Somaliland ee ku sugan Puntland in si nabad ah ay ku joogi karaan oo amarkan uu saameyneyn, balse cidii rabta in degaanada Somaliland ay ku laabato ay fasax u tahay.

Sidoo kale wuxuu sheegay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar Faraweyne in ay jiraan xaalado la xiriiro xiisado colaadeed, ayna dib ka soo sheegi doonaan amarka dambe ee soo baxa.

Xiisadda u dhaxeysa Labada maamul ayaa ka dhalatay Safarkii dhawaan Wasiirka Qorsheynta dowladda Dhexe uu ku tagay degaano ka tirsan gobolada Sool iyo Sanaag, taasi oo sababtay in shalay labada maamul uu dagaal ku dhexmaro degaanka Tukaraq, halkaasi oo uu ka dhashay dagaal sababay khasaare kala duwan.

You may also like

Wasaaradda Gaashaandhiga Somalia Oo Soo Bandhigtay Waqtiga Ka Bixitaanka Ciidamada AMISOM Ee Dalka.

Wasaaradda Gaashaandhiga Somal..

Wasaaradda Gaashaandhiga Somalia Oo Soo Bandhigtay Waqtiga Ka Bixitaanka Ciidamada AMISOM Ee Dalka.

read more
Wasiir Beyle ”Bankiga Adduunka iyo IMF waxay ku qanceen qaabka maamulka Maaliyadda

Wasiir Beyle ”Bankiga Adduun..

Wasiir Beyle ”Bankiga Adduunka iyo IMF waxay ku qanceen qaabka maamulka Maaliyadda

read more
Wasaaradda Dastuurka oo Muqdisho ku soo xirtay Tababar heer sare ah

Wasaaradda Dastuurka oo Muqdis..

Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS Mudane Dr. Xuseen Cabdi Cilmi ayaa soo xiray […]

read more

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *