• Wasaaradda Gaashaandhiga Somalia Oo Soo Bandhigtay Waqtiga Ka Bixitaanka Ciidamada AMISOM Ee Dalka.Read More
  • Wasiir Beyle ”Bankiga Adduunka iyo IMF waxay ku qanceen qaabka maamulka MaaliyaddaRead More
  • Wasaaradda Dastuurka oo Muqdisho ku soo xirtay Tababar heer sare ahRead More
  • Guddoomiye Xuseen “Waxaa naga go’an in shacabka guryahooda loogu geeyo Dawladnimada”Read More
  • Cabsi dhinaca Amaanka ah oo ka taagan gobolka Waqooyi Bari KenyaRead More

Isbedel Lagu Samaynayo sharciga Socdaalka ee La Sameeyay 1966-dii

Shir lagaga tashanayo sidii wax ka bedel loogu samayn lahaa sharciga Socdaalka Soomaaliya oo la sameeyay Sanadkii 1966kii, xiligii dowladii rayidka ahayd ee Soomaaliya ayaa lagu qabtay caasimadda Muqdish, waxaana  ka soo qeyb galay Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow, Wasiirka arimaha Dibada Yuusuf Garaad Cumar, Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Eng. Cabdi Canshuur Xasan, Wasiiru dowlaha arimaha gudaha Cabdirashiid Maxamed “Xiddig” iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Gaashaanle Sare Maxamed Adam Jimcaale (Koofi).

Shirkan oo ay soo qabanqaabiysay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha dowladda federaalka waxay u qabatay Khubaro ka kala socday qaar ka mid ah Hay’addaha dowlada iyo Bulshada rayidka, waxaana shirkan uu ku saabsan yahay dib u eegista Sharciga Socdaalka.

Wasiirada Shirka ka soo qeyb galay ayaa ka dalbaday quburada loo soo xulay in ay ka qeyb galaan wax ka badalka sharciga Socdaalka in ay is waafajiyaan xaalada uu hada dalka marayo iyo sharcigan, Maadaama marka la sameynayay sharciga ay aheyd 1966, Xiligaasna ay sameysay
dowlada dhaxe, hadana Soomaaliya ay qaadatay Federal , sidoo kalena ay hada aduunka ku soo korortay argagaxiso aan horay loo aqoon.

Shirkan Wadatashiga ah ayaa waxaa lagu qaban doonaa mudo seddex bilood gudahood ah dhamaan Maamul goboleedyada dalka ka dibna waxaa loo soo gudbinayaa Golaha Wasiiradda si ay uga doodaan oo ay baarlamaanka ugu gudbiyaan.

You may also like

Wasaaradda Gaashaandhiga Somalia Oo Soo Bandhigtay Waqtiga Ka Bixitaanka Ciidamada AMISOM Ee Dalka.

Wasaaradda Gaashaandhiga Somal..

Wasaaradda Gaashaandhiga Somalia Oo Soo Bandhigtay Waqtiga Ka Bixitaanka Ciidamada AMISOM Ee Dalka.

read more
Wasiir Beyle ”Bankiga Adduunka iyo IMF waxay ku qanceen qaabka maamulka Maaliyadda

Wasiir Beyle ”Bankiga Adduun..

Wasiir Beyle ”Bankiga Adduunka iyo IMF waxay ku qanceen qaabka maamulka Maaliyadda

read more
Wasaaradda Dastuurka oo Muqdisho ku soo xirtay Tababar heer sare ah

Wasaaradda Dastuurka oo Muqdis..

Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS Mudane Dr. Xuseen Cabdi Cilmi ayaa soo xiray […]

read more

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *