• Wasaaradda Gaashaandhiga Somalia Oo Soo Bandhigtay Waqtiga Ka Bixitaanka Ciidamada AMISOM Ee Dalka.Read More
  • Wasiir Beyle ”Bankiga Adduunka iyo IMF waxay ku qanceen qaabka maamulka MaaliyaddaRead More
  • Wasaaradda Dastuurka oo Muqdisho ku soo xirtay Tababar heer sare ahRead More
  • Guddoomiye Xuseen “Waxaa naga go’an in shacabka guryahooda loogu geeyo Dawladnimada”Read More
  • Cabsi dhinaca Amaanka ah oo ka taagan gobolka Waqooyi Bari KenyaRead More

Isbedal ku yimid Cimiladda Muqdisho

Shaki kama taagnaa inuu jiro isbedel dhanka cimilada ku yimid Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Isbedelka weyn ee dhanka Cimilada ee la dareemay ayaa ah habeenkii oo dadka areer Muqdishoi ay dareemaan qabow badan oo qar qaryo wata, horay uma aysan arki jirin dadka reer Muqdisho qabowga noocaan oo kale ah.

Sidoo kale maalintii waxaa ka jira Magaalada dabeyl badan oo carada kicinaysa, waana mida keentay dhaqdhaqaaqa socodka dadka maalintii inuu gaabis noqdo, qof walibana uu ku ekaado goobtiisa shaqada gurigiisa iyo meesha uu ku sugan yahay.

Inta ugu badan dadka oo ah kuwa ka shaqeeya goobo kala duwan oo Magaalada ah ayaa qabowga aroortii jira wuxuu saameeyay jadwalkooda shaqada, maadaama ay ku adkaatay inay kacaan subaxdii xilli hore.

Qaybaha Bulshada oo isugu  jira kuwa shaqaale ah iyo kuwa aanan shaqaale aheyn oo xarumaha shaqada milki u leeyihiin, ayaa dadka milkiyada leh goobaha shaqada waxa ay sheegayaan hurdada inay ku gaaraan illaa 9-saac Subaxdii iyaga oo ka kici waaya hurdada, sababo ku aadan qabowga subaxdii ka jira magaalada.

Marka laga hadlaayo dhulka Soomaalida Muqdisho waxa ay ka mid tahay Magaalooyinka ugu wanaagsan dhanka Cimilada ee aan qabow iyo kuleyl midna aheyn, maadaama cimiladadeeda dhexdhexaad ay tahay.

Dadka ku taqasuusay arrimaha isbedbedelka Cimilada, illaa hadda sabab rasmi ah kuma sheegin isbedelkaan dhanka Cimilada ah ee laga dareemay Magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid ah Shacabka Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay sameynta uu ku yeeshay qabowga.

You may also like

Wasaaradda Gaashaandhiga Somalia Oo Soo Bandhigtay Waqtiga Ka Bixitaanka Ciidamada AMISOM Ee Dalka.

Wasaaradda Gaashaandhiga Somal..

Wasaaradda Gaashaandhiga Somalia Oo Soo Bandhigtay Waqtiga Ka Bixitaanka Ciidamada AMISOM Ee Dalka.

read more
Wasiir Beyle ”Bankiga Adduunka iyo IMF waxay ku qanceen qaabka maamulka Maaliyadda

Wasiir Beyle ”Bankiga Adduun..

Wasiir Beyle ”Bankiga Adduunka iyo IMF waxay ku qanceen qaabka maamulka Maaliyadda

read more
Wasaaradda Dastuurka oo Muqdisho ku soo xirtay Tababar heer sare ah

Wasaaradda Dastuurka oo Muqdis..

Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS Mudane Dr. Xuseen Cabdi Cilmi ayaa soo xiray […]

read more

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *