• Guddoomiye Jawaari oo ka dalbaday Xukuumadda in la horkeeno tirada Ciidamada Shisheeye ee dalka ku suganRead More
  • Kismaayo oo uu ka furmaayo shirkii Fiscal Federalism ee maareynta maaliyadda dalkaRead More
  • Wiil dhalinyaro ah oo lagu Gowracay MuqdishoRead More
  • Madaxweynaha Somaliland oo magacaabay Mas’uul cusubRead More
  • SAWIRRO: Wafdi ka socda QM oo yimid MuqdishoRead More

Imaaraatiga oo u diyaarinaya Wiilka Cali Cabdallah Salaax inuu tago Yemen

Wararka laga helayo Abu Dhabi ayaa sheegaya in dowlada Imaaraatiga ay qorsheenayso inay gacan siiso Wiilka uu dhalay Cali Cabdallah Saalax Madaxweynihii hore ee Yemen, siduu dib ugu noqon lahaa Yemen.

Axmed Cali Cabdallah Saalax oo horey u ahaan jiray Taliyihii Ciidamada Jamhuuriga ee Yemen ayaa 4tii sano ee lasoo dhaafay xabsi guri ku jiray dalkaasi Imaaraatiga oo uu ku noolaa, wuxuuna ku goodiyey inuu u aargudi doono aabihiisa oo Isniintii lagu dilay dagaalo ka dhacay magaalada Sanca ee caasimada Yemen.

Wiilka Cali ayaa kamid ah xubnaha la filayo in ay hogaanka u qabtaan xisbigii Saalax ee GPC oo ah kan siyaasadeed ee ugu weyn dalkaasi Yemen.

“…Aabahay wuxuu dhintay isagoo gurigiisa jooga oo qorigiisa gacanta ku sita, dhiigiisana waa mid muddo dheer kasii sharqami doona dhegaha Iran iyo Xuuthiyiinta, waana ka xoreyn doonaan dalkeena argagaxisada xuuthiyiinta…” ayuu yiri Axmed.

Waxaa isaguna jir wiil uu adeer u ahaa Cali Cabdallah Saalax oo lagu magacaabo Yaxya Maxamed Cabdullahi Saalax oo dhaq dhaqaaqa ka waday gudaha Yemen, kaasi oo horey usoo ahaa taliyaha ciidamada Nabadsugida Yemen, wuxuuna muddooyinkii danbe kamid ahaa Saraakiisha gacansaarka laleh dowlada Caalamka Aqoonsan yahay ee Cabdulrabi Mansuur Hadi.

Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ayaa la sheegay inay sidoo kale dileen Tariq Maxamed Cabdullahi Saalax oo uu adeer u ahaa Cali Cabdullahi Saalax ahaana ninkii hogaaminayey maleeshiyaadkiisa.

Xuuthiyiinta ayaa Salaasadii Shalay qabtay dabaaldeg weyn oo ay ku xusayaan dilka Cali Cabdallah Saalax, xili ay dhaceysay munaasabada aaska hogaamiyahaasi oo in ka badan 30 sano kasoo talinayey wadankaasi.

Cali Cabdallah Saalax ayaa Isniintii la dilay kadib markii ay Xuuthiyiinta weerareen kolonyo gaadiid ah oo uu la socday, waxaana la sheegay in baasuuke lagu dhuftay gaarigii uu saarnaa kadibna ay toogteen maleeshiyaadkaasi.

Magaalada Sanca ayey weli ka jirtaa xiisad weyn iyadoo ay weli qeybo kamid ah magaalada ka socdaan dagaalo, waxaana sii xoogeystay duqeynta ay diyaaradaha Sacuudiga ku wadaan magaaladaasi.

You may also like

Guddoomiye Jawaari oo ka dalbaday Xukuumadda in la horkeeno tirada Ciidamada Shisheeye ee dalka ku sugan

Guddoomiye Jawaari oo ka dalba..

Guddoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa ka dalbaday […]

read more
Kismaayo oo uu ka furmaayo shirkii Fiscal Federalism ee maareynta maaliyadda dalka

Kismaayo oo uu ka furmaayo shi..

Magaalada Kismaayo waxaa dhawaan ka furmaya shirkii saddexaad ee ku saabsan mideynta cashuuraadka iyo qaybsiga […]

read more
Wiil dhalinyaro ah oo lagu Gowracay Muqdisho

Wiil dhalinyaro ah oo lagu Gow..

Wararka naga soo gaaraya degmada Hodan  gaar ahaan Xaafadda Soonakey  ee gobalka Banaadir ayaa waxa […]

read more

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *