• Wasaaradda Gaashaandhiga Somalia Oo Soo Bandhigtay Waqtiga Ka Bixitaanka Ciidamada AMISOM Ee Dalka.Read More
  • Wasiir Beyle ”Bankiga Adduunka iyo IMF waxay ku qanceen qaabka maamulka MaaliyaddaRead More
  • Wasaaradda Dastuurka oo Muqdisho ku soo xirtay Tababar heer sare ahRead More
  • Guddoomiye Xuseen “Waxaa naga go’an in shacabka guryahooda loogu geeyo Dawladnimada”Read More
  • Cabsi dhinaca Amaanka ah oo ka taagan gobolka Waqooyi Bari KenyaRead More

Guddoomiye Xuseen “Waxaa naga go’an in shacabka guryahooda loogu geeyo Dawladnimada”

Guddoomiye Xuseen “Waxaa naga go’an in shacabka guryahooda loogu geeyo Dawladnimada”

Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda ee Gobolka Benaadir Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa dhagax-dhigay Xafiiska Adeegga ee degmada Xamar-Weyne, si shacabka loogu dhaweeyo maamulka.

Isagoo ka hadlayay munaasabadda dhagax-dhigga xaruntan cusub ayuu Mudane Xuseen Maxamed Nuur tilmaamay in ay ka go’an dhismaha iyo fidinta adeegyada bulshada ee Caasimadda , kuwaas oo muwaadiniinta u sahli kara in deegaankooda ay ka helaan wax walba ee ay ka rabaan xarunta dawladda hoose ee Xamar.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dhagax-dhiga xaruntan uu qeyb ka yahay barnaamijka hoos u daadajinta adeegyada asaasiga ah, isagoo xusay in Maamulka Gobolka Benaadir ee hoggaamiyo Guddoomiye Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ay ka go’an tahay in shacabka dib loogu celiyo dhaqaalaha ay bixiyaan, waxuna dhankooda ugu baaqay bulshada ku nool magaalada Muqdisho in ay bixiyaan canshuuraha ku waajibay.

“Waxaa naga go’an in shacabka guryahooda loogu geeyo Dawladnimada iyo in la xoojiyo laama bixin kara adeegyada asaasiga ah ee bulshada oo ay ka mid tahay xarunta aan maanta dhagax-dhignay, waxaan horey sidaan oo kale uga hirgelinay ilaa sagaal degmo dhowrkii bilood ee aan shaqada wadnay”. Ayuu yiri Guddoomiye Xuseen Maxamed Nuur.

Munaasabadda dhagax-dhigga ayaa waxaa ka qeyb galay qaar kamid ah Guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Benaadir iyo shacabka ku nool degmada Xamar-Weyne.

You may also like

Wasaaradda Gaashaandhiga Somalia Oo Soo Bandhigtay Waqtiga Ka Bixitaanka Ciidamada AMISOM Ee Dalka.

Wasaaradda Gaashaandhiga Somal..

Wasaaradda Gaashaandhiga Somalia Oo Soo Bandhigtay Waqtiga Ka Bixitaanka Ciidamada AMISOM Ee Dalka.

read more
Wasiir Beyle ”Bankiga Adduunka iyo IMF waxay ku qanceen qaabka maamulka Maaliyadda

Wasiir Beyle ”Bankiga Adduun..

Wasiir Beyle ”Bankiga Adduunka iyo IMF waxay ku qanceen qaabka maamulka Maaliyadda

read more
Wasaaradda Dastuurka oo Muqdisho ku soo xirtay Tababar heer sare ah

Wasaaradda Dastuurka oo Muqdis..

Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS Mudane Dr. Xuseen Cabdi Cilmi ayaa soo xiray […]

read more

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *