• Wasaaradda Gaashaandhiga Somalia Oo Soo Bandhigtay Waqtiga Ka Bixitaanka Ciidamada AMISOM Ee Dalka.Read More
  • Wasiir Beyle ”Bankiga Adduunka iyo IMF waxay ku qanceen qaabka maamulka MaaliyaddaRead More
  • Wasaaradda Dastuurka oo Muqdisho ku soo xirtay Tababar heer sare ahRead More
  • Guddoomiye Xuseen “Waxaa naga go’an in shacabka guryahooda loogu geeyo Dawladnimada”Read More
  • Cabsi dhinaca Amaanka ah oo ka taagan gobolka Waqooyi Bari KenyaRead More

Guddoomiye Jawaari oo ka hadlay Mooshinka laga gudbiyay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ka hadlay Mooshinkii aroornimadii hore ee saakay ay ka gudbiyeen xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka.

Xildhibaanada Mooshinka gudbiyay oo saaka Warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay tiradooda inay ka badan tahay 100 Xildhibaan, waxayna sheegeen inay Mooshin sharci ah ka gudbiyeen Gudoomiye (Jawaari).

Qodobada ay ku eedeeyeen waxaa ka mid ah xil gudasho la’aan, Ku xad gudubka Dastuurka iyo Xeer hoosaadka Golaha Shacabka, Ku takrifal awoodeed iyo caburinta xildhibaanada iyo dhisid la’aanta Guddiyada Baarlamaanka.

Guddoomiye (Jawaari) oo galabta warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay inuu codsanayo in xildhibaanada ay ilaaliyaan Golaha midnimada.

Wuxuu sheegay Guddoomiyaha Golaha Shacabka in Sabtida wixii ka dambeeya ay bilaabanayaan Howlaha Baarlamaanka, Mooshinkana uu sidaasi ku buray, isaga oo tilmaamay in arrintan ay aheyd Dimuqraadiyad.

“Waxaan codsanayaa in dhammaan xildhibaanada ay ilaaliyaan Golaha midnimada, Sabtida wixii ka dambeeya waxaa bilaaban doona Howlaheena caadiga ahaa, dhammaan waan idinkaga mahadcelinayaa bisdeelka siyaasadeed.”. Ayuu yiri Guddoomiye Jawaari.

You may also like

Daadad dad ku dilay tuulada Aw-Barkhadle

Daadad dad ku dilay tuulada Aw..

Inta la xaqiijiyay Hal qof ayaa ku dhintay kadib markii dooxa tuulada Aw-Barkhadle ee Bariga […]

read more
Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in dib loo howlgelinayo Kuliyaddii ciidamada Jaalle Siyaad (Daawo Sawirro)

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay..

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in dib loo howlgelinayo Kuliyaddii ciidamada Jaalle Siyaad (Daawo Sawirro)

read more
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dib ugu laabtay Xafiiskii Wasaaradda Gaashaandhigg

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fed..

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

read more

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *