• Wasaaradda Gaashaandhiga Somalia Oo Soo Bandhigtay Waqtiga Ka Bixitaanka Ciidamada AMISOM Ee Dalka.Read More
  • Wasiir Beyle ”Bankiga Adduunka iyo IMF waxay ku qanceen qaabka maamulka MaaliyaddaRead More
  • Wasaaradda Dastuurka oo Muqdisho ku soo xirtay Tababar heer sare ahRead More
  • Guddoomiye Xuseen “Waxaa naga go’an in shacabka guryahooda loogu geeyo Dawladnimada”Read More
  • Cabsi dhinaca Amaanka ah oo ka taagan gobolka Waqooyi Bari KenyaRead More

Garoon Diyaaradeed iyo Deked kutaala Duleedka Muqdisho oo la qorsheenayo in dib loo howl galiyo

Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Cali Cosoble iyo Madaxweyne kuxigeenka Maamulkaasi Cali Guudlaawe

ayaa shalay kormeer ku tagay Dekadda Ceel Macaan iyo deegaanka Ceel cadde oo ku yaalla duleedka Muqdisho.

Madaxdan ayaa u kuur galayay xaalada nololeed ee dadka kunool Deegaanka Ceel Cadde iyo sidoo kale qiimeyn ay ku sameeyaan Dekaddii macmalka Ceel Macaan , waxa ayna halkaasi kula kulmeen qaar kamid ah waxgaradka ku nool deeganaada ay tageen.

Masuuliyiintan katirsan maamulka Hirshabelle ayaa sheegay in ay muhiim tahay in dib loo howl galiyo Dekadda macmalka ee Ceel Macaan iyo sidoo kale Garoonka Diyaaradaha Cisaley oo shaqeyn jiray 15-sano kahor.

Waxa ay sheegeen masuuliyiinta Hirshabelle dib u howlgalinta Dekadda Ceel Macaan in ay sahleyso in ay shaqo ka helaan dhalinyaro badan oo shaqo la’aan ahaa, waxa ay sidoo kale tilmaameen in Garoonka Cisaley iyana la howlgalinayo si diyaaradaha qaadka uga soo degaan.

Maamulka Hirshabelle oo ah maamul curdin ah ayaan wali la heyn ilo dhaqaale sida Dekadd shaqeysa iyo garoon weyn, waxaana maamulka horey u sheegeen in la samenayo Dekadd iyo garoon si ay u noqdaan ilo dhaqaale uu maamulku leeyahay

You may also like

Daadad dad ku dilay tuulada Aw-Barkhadle

Daadad dad ku dilay tuulada Aw..

Inta la xaqiijiyay Hal qof ayaa ku dhintay kadib markii dooxa tuulada Aw-Barkhadle ee Bariga […]

read more
Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in dib loo howlgelinayo Kuliyaddii ciidamada Jaalle Siyaad (Daawo Sawirro)

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay..

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in dib loo howlgelinayo Kuliyaddii ciidamada Jaalle Siyaad (Daawo Sawirro)

read more
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dib ugu laabtay Xafiiskii Wasaaradda Gaashaandhigg

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fed..

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

read more

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *