• “SAWIRRO”Madaxweyne Farmaajo oo kulamo wadatashi la qaatay culumada iyo odayaasha dhaqanka ee CaabudwaaqRead More
  • SAWIRO; Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda Somalia oo shir muhiim ah uga qeyb galay SacuudigaRead More
  • DAAWO MUQAAL: Madaxweyne Ku Xigenka Somaliland Oo Gaaray Tukaraq Iyo Xiisad Ka DhalatayRead More
  • SAWIRRO: Ciidamada Kenya ee galay Ceelwaaq oo Qarax ku bur buriyay Xarunta Shirkadda HormuudRead More
  • Ra’iisul Wasaare Kheyre oo kusii jeedda dalka SwitzerlandRead More

Farmaajo oo ku wajahan Qardho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saakay oo Arbaco ah ku wajahan magaalada Qordho oo ka tirsan Puntland.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa oo booqasho ku maraya qeybo ka mid ah gobolada dalka ayaa tan iyo Axadii ina dhaaftay waxa ay ku sugnaayeen magaalada Garowe eee caasimadda Puntland, halkaasi oo ay kula kulmeen Madaxda iyo shacabka Puntland.

Wariyeyaasha degaanada Puntland ayaa soo sheegaya safarka Madaxweynaha inuu yahay mid dhulka ah, oo qaadanaya laba saacadood, waxaana wafdiga Mdaxweynaha qeyb ka ah Madaxda sare ee Puntland iyo qaar ka tirsan xubnaha labada Gole ee Dowladda Federaalka.

Wadooyinka waa weyn ee magaalada Qardho ayaa lagu xardhay Calanka buluuga ah ee Soomaaliya iyo kan Puntland, waxaana wadooyinka isugu soo baxay dadweyne fara badan oo u heelan soo dhaweyna Madaxweynaha.

Ammaanka magaalada Qardho ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana sugaya ammaanka Ciidamada Puntland iyo kuwa Madaxtooyada Soomaaliya oo si hordhac ahaan halkaasi u horey ugu gaaray.

Taliyaha Booliska Magaalada Qardho ayaa sheegay inay adkeeyeen oo ay xoojiyeen amniga guud ee Magaalada, wadooyinka qaarkoodna ay ciidamo soo dhigeen.

Madaxweynaha oo sacdaalkiisa uu yahay mid ku qotomo nabadda iyo dib u heshiisiinta ayaa magaalada Qardho kula kulmaya qeybaha kala duwan ee bulshada, si uu ugu dhiirageliyo in ay ka qeyb qaataan dib u dhiska dalka.

You may also like

“SAWIRRO”Madaxweyne Farmaajo oo kulamo wadatashi la qaatay culumada iyo odayaasha dhaqanka ee Caabudwaaq

“SAWIRRO”Madaxweyne Farmaa..

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulamo wadatashi ah kula qaatay magaalada […]

read more
SAWIRO; Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda Somalia oo shir muhiim ah uga qeyb galay Sacuudiga

SAWIRO; Wasiirka cusub ee Arri..

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Amb. Ahmed Isse Awad ayaa uga qeybgalay Magaalada […]

read more
DAAWO MUQAAL: Madaxweyne Ku Xigenka Somaliland Oo Gaaray Tukaraq Iyo Xiisad Ka Dhalatay

DAAWO MUQAAL: Madaxweyne Ku Xi..

Wararka imaanaya deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa sheegaya in haatan uu ku sugan yahay […]

read more

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *