• Wasaaradda Gaashaandhiga Somalia Oo Soo Bandhigtay Waqtiga Ka Bixitaanka Ciidamada AMISOM Ee Dalka.Read More
  • Wasiir Beyle ”Bankiga Adduunka iyo IMF waxay ku qanceen qaabka maamulka MaaliyaddaRead More
  • Wasaaradda Dastuurka oo Muqdisho ku soo xirtay Tababar heer sare ahRead More
  • Guddoomiye Xuseen “Waxaa naga go’an in shacabka guryahooda loogu geeyo Dawladnimada”Read More
  • Cabsi dhinaca Amaanka ah oo ka taagan gobolka Waqooyi Bari KenyaRead More

Farmaajo oo khudbad ka jeediyay shirkii Jaamacadda Carabta

Madaxda wadamada ku bahoobay ururka Jaamacadda Carabta

mara laga reebo Lix Madaxweyne oo uu ku jiro Amiirka Qadar ayaa xalay kulankii 29-aad ururka ugu soo gaba gaboobay dalka Sacuudiga.

Dhammaadkii shirkan ayaa waxaa laga soo saaray Warmurtiyeed lagu soo hadal qaaday Soomaaliya oo kulankaasi uu uga qeyb galayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).

Doiwladaha Carabta ayaa isku raacay in la dardar geliyo dadaalada lagu doonayo in xal siyaasadeed lagu dhameyo xiisada ka aloolsan dalka Siiriya, waxayn si weynu cambaareeyeen hubka Kiimikada ah ee loo adeegsaday rayidka.

War-muriyeedka shirka ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa in Dowladaha Carabta ay sii wadaan taageerada ay siiyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya, si ay uga guuleysato ururka Al-shabaab.

“Taageerada Dowladaha Carabta ee dib u dhiska Hay’adaha Soomaaliya waxay ahaanayaan mid joogto ah, si Soomaalida ay uga guuleystaan caqabadaha dhaqaalaha oo ay la daalaadhacayaan.” Ayaa lagu yiri warka ka soo baxay ururka Jaamacadda Carabta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa ka hadlay horumarka Soomaaliya ay ku talaabsatay, wuxuuna Caalamka weydiistay in la fuliyo taageerada shirarka Jaamacadda Carabta loogu balan qaaday Soomaaliya

You may also like

Daadad dad ku dilay tuulada Aw-Barkhadle

Daadad dad ku dilay tuulada Aw..

Inta la xaqiijiyay Hal qof ayaa ku dhintay kadib markii dooxa tuulada Aw-Barkhadle ee Bariga […]

read more
Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in dib loo howlgelinayo Kuliyaddii ciidamada Jaalle Siyaad (Daawo Sawirro)

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay..

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in dib loo howlgelinayo Kuliyaddii ciidamada Jaalle Siyaad (Daawo Sawirro)

read more
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dib ugu laabtay Xafiiskii Wasaaradda Gaashaandhigg

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fed..

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

read more

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *