• (SAWIRRO) Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay arrimo kala duwanRead More
  • DAAWO MUQAAL:Soo dhoweyntii Muqdisho loogu sameeyay Gudomiyaha Baarlamaanka JabuutiRead More
  • Puntland Iyo Galmudug Oo Ku Dagaallamay Gaalkacyo Iyo Khasaare DhacayRead More
  • SAWIRRO “Guddoomiyaha G/Banaadir oo la kulmay Safiirka TurkigaRead More
  • Xildhibaano ka tirsan BF oo kormeeray xabsiga dhexe ee XamarRead More

Faahfaahin dagaal saakay ka dhacay Muqdisho

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal saakay aroortii degaanka Haanta dheer ku dhexmaray Ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya iyo ciidamada Xasilinta Caasimadda.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Milatariga ee ku sugnaa Xaafadda Haanta dheer ee degmada Hodan ayaa sheegay in ciidamada Xasilinta ay saakay aroortii Weerar kusoo qaadeen.

Dagaalka ayaa socday Muddo ku dhow saacad , waxaana qaar ka mid ah dadka kunool degmooyinka Dayniile iyo Hodan ay kusoo baraarugeen dhawaqa Rasaasta.

Ugu yaraan Saddex qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dagaalkaasi, waxaana sidoo kale jira dhaawacyo.
Xaafadda Haanta dheer ayaa fariisin u ah ciidamo ka tirsan Guutadda Saddexaad ee ciidamada Milatariga Soomaaliya.

Ciidamadii weerarka lagu qaaday ayaa hadda gacanta ku haaya degaanka Haanta dheer ee degmada Hodan.

Ma jiro wax ah war ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya oo ku aadan dagaalka saakay ka dhacay Gudaha Magaalada Muqdisho.

You may also like

(SAWIRRO) Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay arrimo kala duwan

(SAWIRRO) Shirka Golaha Wasiir..

Shirkii caadiga ahaa ee Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Dawladda Federaalka ay maanta yeesheen oo uu […]

read more
DAAWO MUQAAL:Soo dhoweyntii Muqdisho loogu sameeyay Gudomiyaha Baarlamaanka Jabuuti

DAAWO MUQAAL:Soo dhoweyntii Mu..

Gudoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti iyo Wafdi uu hogaaminayo oo Xildhibaano┬á reer jabuuti ah ay kamid yihiin […]

read more
Puntland Iyo Galmudug Oo Ku Dagaallamay Gaalkacyo Iyo Khasaare Dhacay

Puntland Iyo Galmudug Oo Ku Da..

Dagaal dhaxeeyay maleeshiyaad kala taabacsan maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa ka dhacay maanta suuqa magaalada […]

read more

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *