• “SAWIRRO”Madaxweyne Farmaajo oo kulamo wadatashi la qaatay culumada iyo odayaasha dhaqanka ee CaabudwaaqRead More
  • SAWIRO; Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda Somalia oo shir muhiim ah uga qeyb galay SacuudigaRead More
  • DAAWO MUQAAL: Madaxweyne Ku Xigenka Somaliland Oo Gaaray Tukaraq Iyo Xiisad Ka DhalatayRead More
  • SAWIRRO: Ciidamada Kenya ee galay Ceelwaaq oo Qarax ku bur buriyay Xarunta Shirkadda HormuudRead More
  • Ra’iisul Wasaare Kheyre oo kusii jeedda dalka SwitzerlandRead More

Dowladda oo war ka soo saartay xiisada Takaruq

– Dawladda Federaalka Soomaaliya oo ka walaacsan collaadaha ka soo aloosmay deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, ayaa ku baaqaysa in dhinacyada ku dagaalamaya deegaanka Tukaraq ay si deg deg ah oo shuruud la’aan ah u joojiyaan dagaalka.

Qorshaha Dawladda Federaalka ayaa ah in si deg-deg ah ay u joojiso dagaallada iyo colaadaha, waxeyna baaq u diraysaa Somaliland iyo Puntland, mas’uuliyiinta deegaankaas, odayaasha dhaqanka, aqoonyahanada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada inay mas’uuliyad gaar ah iska saaraan joojinta dagaallada iyo colaadaha oo ay dawladda kala shaqeeyaan nabadeynta iyo isku soo dhaweynta dadka walaalaha ah.

Guud ahaan dalka intiisa badani waxuu ka soo kabanayaa colaadihii iyo amni-daradii ragaadisay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan degaanadan ay hadda mashaqadu ka dhacday waxey muddooyinkii dambe ahaayeen deegaanno nabad oo xasillooni ka jirto.

Dawladda Federaalka ayaa wadda dadaallo lagu xoojinayo dib-u-heshiisiin waarta oo dhammaan deegaannada la dhex dhigo, waana nasiib darro in xilligan ay dagaallo aan loo baahneyn dhacaan, tanoo fursad siineysaa dhammaan inta diidan nabadda iyo horumarka.

Dawladda Federaalka waxey ugu baaqeysaa dhammaan qeybaha ay khuseyso inaan wadajirkeenna iyo isku xirnaanteenna adkeeyno oo aan khilaafkeenna ku xallinnaa si nabad, wadahadal iyo dib-u-heshiisiin.

You may also like

“SAWIRRO”Madaxweyne Farmaajo oo kulamo wadatashi la qaatay culumada iyo odayaasha dhaqanka ee Caabudwaaq

“SAWIRRO”Madaxweyne Farmaa..

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulamo wadatashi ah kula qaatay magaalada […]

read more
SAWIRO; Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda Somalia oo shir muhiim ah uga qeyb galay Sacuudiga

SAWIRO; Wasiirka cusub ee Arri..

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Amb. Ahmed Isse Awad ayaa uga qeybgalay Magaalada […]

read more
DAAWO MUQAAL: Madaxweyne Ku Xigenka Somaliland Oo Gaaray Tukaraq Iyo Xiisad Ka Dhalatay

DAAWO MUQAAL: Madaxweyne Ku Xi..

Wararka imaanaya deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa sheegaya in haatan uu ku sugan yahay […]

read more

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *