• Wasaaradda Gaashaandhiga Somalia Oo Soo Bandhigtay Waqtiga Ka Bixitaanka Ciidamada AMISOM Ee Dalka.Read More
  • Wasiir Beyle ”Bankiga Adduunka iyo IMF waxay ku qanceen qaabka maamulka MaaliyaddaRead More
  • Wasaaradda Dastuurka oo Muqdisho ku soo xirtay Tababar heer sare ahRead More
  • Guddoomiye Xuseen “Waxaa naga go’an in shacabka guryahooda loogu geeyo Dawladnimada”Read More
  • Cabsi dhinaca Amaanka ah oo ka taagan gobolka Waqooyi Bari KenyaRead More

Dowladda oo Gaalkacyo ka hirgelinaysa Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida

Wafdi uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ay wehliyeen xildhibaanada Labada  Aqal ee laga soo doortay deeganadaasi, Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga iyo masuuliyiinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ayaa u jooga Magaalada Gaalkacyo dhameystirka dadaalka nabadeed ee dowladda dhexe ee Soomaaliya ka waddo magaaladaasi.

Ciidama ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed oo ka madax baxnaan Ururuda 21-aad iyo 54-aad ee ka howlgala Maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa lagu wareejiyay amniga magaalada iyagoo wixii ay u baahdaan ee deeg ah ay ka heli doonaan dowladda dhexe ee Soomaaliya islamarkaana ay hadda heleen gunnooyin  iyo agab ciidan oo ay dowladda dhexe ee Soomaaliya ku wareejisay sida uu warbaahinta Dowladda u sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda Darjada 1-aad ee Ciidmada Qalabka Sida.G/sare Xasan Cali Nuur Shuute.

Gaalkacyo waxaa ka jiray ciidama beeleedyo, maleeshiyaad aan ka amar qaadan labada maamul ee halkaas ka jiro, ka ganacsiga maandooriyaha nuucyadiisa kala duwan oo laga keeno magaalada meel ka baxsan, waxaana arrimahaasi dhan oo is biirsaday ay sababeen isku dhacyada ciidamadaasi oo loo tiirin jiray qabiilada iyo maamulada halkaasi ka jiray balse taasi waa la soo afjaray oo cutubyadii ugu horreeyay ee Ciidama ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa la geeyay Magaaalada.

Guddoomiye Shuute ayaa sheegay Maxkamad Ciidan oo  heer dowladda dhexe ah kana madax banaan maamuladaasi laga hirgelinayo magaalada, taasi oo la shaqeyn doonta ciidamada isku dhafka ah ee u madax banaan howlahooda, isaga oo tilmaamay in Maxkamadan ay qaadi doonto dacwad kasta.

Gaalkacyo ayaa la filayaa in ay marti geliso wafdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya uu hugaaminayo oo socdaal loogu  magac daray socdaalka nabadda ku maraya degaano badan oo ka tirsan goballada dhexe.

You may also like

Wasaaradda Gaashaandhiga Somalia Oo Soo Bandhigtay Waqtiga Ka Bixitaanka Ciidamada AMISOM Ee Dalka.

Wasaaradda Gaashaandhiga Somal..

Wasaaradda Gaashaandhiga Somalia Oo Soo Bandhigtay Waqtiga Ka Bixitaanka Ciidamada AMISOM Ee Dalka.

read more
Wasiir Beyle ”Bankiga Adduunka iyo IMF waxay ku qanceen qaabka maamulka Maaliyadda

Wasiir Beyle ”Bankiga Adduun..

Wasiir Beyle ”Bankiga Adduunka iyo IMF waxay ku qanceen qaabka maamulka Maaliyadda

read more
Wasaaradda Dastuurka oo Muqdisho ku soo xirtay Tababar heer sare ah

Wasaaradda Dastuurka oo Muqdis..

Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS Mudane Dr. Xuseen Cabdi Cilmi ayaa soo xiray […]

read more

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *