• Wasaaradda Gaashaandhiga Somalia Oo Soo Bandhigtay Waqtiga Ka Bixitaanka Ciidamada AMISOM Ee Dalka.Read More
  • Wasiir Beyle ”Bankiga Adduunka iyo IMF waxay ku qanceen qaabka maamulka MaaliyaddaRead More
  • Wasaaradda Dastuurka oo Muqdisho ku soo xirtay Tababar heer sare ahRead More
  • Guddoomiye Xuseen “Waxaa naga go’an in shacabka guryahooda loogu geeyo Dawladnimada”Read More
  • Cabsi dhinaca Amaanka ah oo ka taagan gobolka Waqooyi Bari KenyaRead More

Dood ka taagan cida Xaqa u leh in ay u tartamaan Gudoomiyaha Golaha Shacabka

Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa la filayaa in 15-maalin gudahood in ay kusoo doortaan Gudoomiyaha golaha Shacabka, waxaana durba soo baxaya Xildhibaano badan oo damac uga jiro in xilkaasi qabtaan.

Dood xoogan ayaa ka taagan cida xaqa u leh in ay u tartamaan kursiga Gudoomiyaha golaha shacabka uu baneeyay Jawaari, waxaana kursigan markii hore qoondo ahaan u heshay beesha Digil iyo Mirifle.

Marka loo eego dastuurka KMG ee dalka waxaa kursigan u tartami kara Xildhibaan kasta oo katirsan golaha shacabka, hasa ahaatee waxaa hada jira xeer jajab lagu heshiiyay oo awoodaha ugu sareeya ee dalka lagu qeyb saday nidaamka 4.5.

Kursigan uu baneeyay Jawaari waxaa hada damac uga jiraa Xildhibaano badan oo kasoo jeeda Beesha Digil iyo Mirifle, waxaa sidoo kale jira oo baraha bulshada lagu arkayay Musharaxiin kasoo jeeda Beesha Hawiye oo iyana damac uu ka galay kursigan.

Xildhibaan Maxamuud Macalin Yaxye oo ah Gudoomiyaha Guddiga Xeer Hoosaadka ee Golaha Shacabka, ayaa sheegay  in Beeshii kursigan ku fadhiday uun ay ubanaantahay utartamideeda, hadii taas laga weeciyana ay tahay in la sameeyo Xiisado siyaasadeed iyo dagaal hor leh.

Sidoo kale Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo isna ka hadlay arintan ayaa sheegay in uu jiro xeer jajab xal loo arkay oo xilalka loogu qeybsaday nidaamka 4.5, waxa uuna sheegay in xalka uu ku jiro in kursigaasi u tartamaan Beesha Digil iyo Mirifle.

Kursiga Gudoonka Golaha Shacabka ayaa xiisad abuuri kara hadii ay isku soo sharaxaan Xildhibaano kasoo jeeda Beelaha Hawiye iyo Daarood, hadii ayna dhacdo in Xildhibaan kasoo jeeda Hawiye  loo doorto xilkan waxaa meesha ka baxaya R/Wasaare Kheyre.

Dadka Siyaasada falanqeeya ayaa aaminsan in kursigan u tartami doonaan kaliya Xildhibaano kasoo jeeda Beesha Digil iyo Mirifle, waxaana xaalada ay noqon karta mid xamaasad leh hadii kursigan isku soo sharaxaan beelo kale.

Doorashada kursigan ayaa saameyn badan ku yeelan doonta Madaxtooyada oo soo xuleysa shaqsiga ay la rabto kuna taageereysa sidii uu shaqsigan ugu guuleesan lahaa kursiga Gudoomiyaha golaha Shacabka.

You may also like

Daadad dad ku dilay tuulada Aw-Barkhadle

Daadad dad ku dilay tuulada Aw..

Inta la xaqiijiyay Hal qof ayaa ku dhintay kadib markii dooxa tuulada Aw-Barkhadle ee Bariga […]

read more
Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in dib loo howlgelinayo Kuliyaddii ciidamada Jaalle Siyaad (Daawo Sawirro)

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay..

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in dib loo howlgelinayo Kuliyaddii ciidamada Jaalle Siyaad (Daawo Sawirro)

read more
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dib ugu laabtay Xafiiskii Wasaaradda Gaashaandhigg

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fed..

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

read more

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *