• Wasaaradda Gaashaandhiga Somalia Oo Soo Bandhigtay Waqtiga Ka Bixitaanka Ciidamada AMISOM Ee Dalka.Read More
  • Wasiir Beyle ”Bankiga Adduunka iyo IMF waxay ku qanceen qaabka maamulka MaaliyaddaRead More
  • Wasaaradda Dastuurka oo Muqdisho ku soo xirtay Tababar heer sare ahRead More
  • Guddoomiye Xuseen “Waxaa naga go’an in shacabka guryahooda loogu geeyo Dawladnimada”Read More
  • Cabsi dhinaca Amaanka ah oo ka taagan gobolka Waqooyi Bari KenyaRead More

Dagaal Caawa ka dhacay Degmada Afgooye iyo Faah faahino kasoo baxaya

Dagaalyahano aad u hubeesan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa caawa weerar ku qaaday Degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose

, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal daqiiqado badan socday.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in dagaalyahano katirsan Al Shabaab weerar ku qaadeen fariisin ciidanka Dowlada ku lahaayeen degmada Afgooye gaar ahaan Buundada degmadaasi.

Dagaal xoogan ayaa labada dhinac dhax maray , waxaana markii dambe dagaalka noqday mid istaagay kadib markii aagaasi isaga baxeen dagaalyahanadii Al Shabaab ee weerarka gaadma ah kusoo qaaday fariisinka ciidanka dowlada.

Wali lama oga khasaaraha ka dhashay weerarka caawa Al Shabaab kusoo qaadeen fariisimo ciidanka dowlada ku lahaayeen Degmada Afgooye, waxaana adag in khasaaraha dhabta ah la ogaado maadama xiliga habeen yahay.

Al Shabaab ayaa marar badan weeraro kala duwan ku qaaday degmada Afgooye oo fariisin ah Ciidanka dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, waxaana degmadaasi kusoo noq noqday weerarada Al Shabaab kusoo qaadaan xilyada habeenkii ah

You may also like

Daadad dad ku dilay tuulada Aw-Barkhadle

Daadad dad ku dilay tuulada Aw..

Inta la xaqiijiyay Hal qof ayaa ku dhintay kadib markii dooxa tuulada Aw-Barkhadle ee Bariga […]

read more
Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in dib loo howlgelinayo Kuliyaddii ciidamada Jaalle Siyaad (Daawo Sawirro)

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay..

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in dib loo howlgelinayo Kuliyaddii ciidamada Jaalle Siyaad (Daawo Sawirro)

read more
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dib ugu laabtay Xafiiskii Wasaaradda Gaashaandhigg

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fed..

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

read more

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *