• DAAWO MUQAAL : Madaxweyne Farmaajo oo Maamuus u sameeyay Dadka u soo halgamay Imaaraadka CarabtaRead More
  • DAAWO MUQAAL: C/raxmaan Cirro oo Go’aan Lama filaan ah ka qaatay Natiijada Doorashadii Madaxweynaha SomalilandRead More
  • DAAWO MUQAAL: Maxay Soomaalida Nairobi ka yiraahdeen Go’aankii Maxkamada Sare ee Kenya ?Read More
  • Faysal Cali Waraabe oo eedeeyay Xisbiga WadaniRead More
  • Dad ku geeriyooday iyaga oo sawir iska qaadayaRead More

(DAAWO SAWIRRO)Rag isku qarxin rabay Wasaarada difaaca Sacuudiga oo la qabtay

Saraakiisha amaanka Sucuudiga ayaa sheegay inay fashiliyeen qorshe kooxda Daacish ku damacsanayd inay ku qarxiso laba xarumood oo ay wasaaradda Gaashaandhiggu ku leedahay magaalada Riyaad, lana la qabtay laba qof oo doonayey inay isku qarxiyaan goobahaas.

Masuul sare oo ka tirsan taliska nabad sugidda Sacuudiga ayaa sheegay in la qabtay labadan qof iyagoo is leh weerarka ku qaada labada goobood ee Wasaaradda gaashaandhiggu ku leedahay Riyaad.

Waxaa lala qabtay laba Jaaked oo nooca walxaha qarxa lagu xidho ah iyo sagaal bambo gacmeed, qoryo iyo toorreeyo.

Baaritaanada hor dhaca ahaa ee la sameeyey ayaa lagu ogaaday in labada qof dhalashadoodu tahay Yemen, waxaana sidoo kale lala qabtay laba qof oo kale oo Sucuudi ah kuwaasoo weli la baarayo xiriirka ka dhexeeya iyaga iyo raggan isqarxin rabay.

labada nin ee rabay inay is qarxiyaan oo magacyadoodu kala yihiin Axmed Yaasir Al-Kaldi iyo Amaar ali Mohamed ayaa la qabtay daqiiqado ka hor iyagoo aan gaarn goobtii ay ku socdeen.

Sucuudiga ayaa mudooyinkan weeraro badan oo qaraxyo miidaamin ah lala beegsaday, waxaana wada sheegatay kooxda la baxday Dawladda Islaamka ama Daacish.

You may also like

Madaxweyne Waare oo soo dhisaya Wasiiro aysan Xildhibaano ku jirin

Madaxweyne Waare oo soo dhisay..

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ayaa lagu waddaa in uu soo magacaabo gole Wasiiro oo aysan ku […]

read more
Xildhibaano dalbaday in lasoo celiyo Qalbi dhagax

Xildhibaano dalbaday in lasoo..

Ka dib markii Maanta Xildhibaanada Golaha Shacabka ay sharci daro ku tilmaameen dhiibistii Cabdikariin Sheekh […]

read more
Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ku sii jeeda magaalada Baydhabo

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo k..

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta lagu wadaa inay […]

read more

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *