• Wasaaradda Gaashaandhiga Somalia Oo Soo Bandhigtay Waqtiga Ka Bixitaanka Ciidamada AMISOM Ee Dalka.Read More
  • Wasiir Beyle ”Bankiga Adduunka iyo IMF waxay ku qanceen qaabka maamulka MaaliyaddaRead More
  • Wasaaradda Dastuurka oo Muqdisho ku soo xirtay Tababar heer sare ahRead More
  • Guddoomiye Xuseen “Waxaa naga go’an in shacabka guryahooda loogu geeyo Dawladnimada”Read More
  • Cabsi dhinaca Amaanka ah oo ka taagan gobolka Waqooyi Bari KenyaRead More

(Daawo Sawirro) Madaxweyne Farmaajo oo kormeer shaqo ku tegay Isbitaalka Xoogga dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kormeer ku tagay Isbitaalka Ciidanka Xoogga Dalka ee magaalada Muqdisho ayaa ku ammaanay hoggaanka caafimaadka iyo howl-wadeennada Isbitaalkan sida ay ugu adeegayaan ciidanka, iyagoo ku shaqeynaya duruufo adag iyo agab aan dhammeystirnayn.

Madaxweynaha ayaa dul istaagay xaaladda bukaannada ku jira Isbitaalka Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan Askarta ku soo dhaawacmay howl-gallada ka dhanka ah Al-shabaab, isagoona warbixintooda ka dhageystay dhakhaatiirta ka howlgala Isbitaalka.

Farmaajo ayaa tilmaamay sida ay uga go’antahay wax u qabashada ciidanka ku dhaawacmay howlgallada dalka lagaga xoreeynayo Al-shabaab, iyadoona uu faray Hoggaanka Caafimaadka Ciidanka Xoogga in ay sii kordhiyaan heeganka ay ku jiraan.

“In aan dhammaanteen u istaagno daryeelka iyo ka war-qabka ciidanka u dhaawacmay difaaca dalkeenna waa waajib uu ina farayo damiirkeenna iyo diinteenaba, Soomaaliya maanta xaaladda ay ku jiro waxaa ka samata bixin kara ciidankeeda oo taageero dhinac walba ah ka hela shacabkoooda.” Ayuu yiri Farmaajo.

Madaxa hoggaanka Caafimaadka Ciidanka Xoogga Dalka Gaashaanle Mahad Cabdullaahi Nuur ayaa Madaxweynaha la wadaagay dadaallada ay ugu jiraan dib u habeynta Isbitaalka Ciidanka Xoogga Dalka iyo muhiimadda ay leedahay in dhakhaatiirta Soomaaliyeed ay kaalintooda ka qaataan garab istaagga Ciidanka.

You may also like

Daadad dad ku dilay tuulada Aw-Barkhadle

Daadad dad ku dilay tuulada Aw..

Inta la xaqiijiyay Hal qof ayaa ku dhintay kadib markii dooxa tuulada Aw-Barkhadle ee Bariga […]

read more
Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in dib loo howlgelinayo Kuliyaddii ciidamada Jaalle Siyaad (Daawo Sawirro)

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay..

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in dib loo howlgelinayo Kuliyaddii ciidamada Jaalle Siyaad (Daawo Sawirro)

read more
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dib ugu laabtay Xafiiskii Wasaaradda Gaashaandhigg

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fed..

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

read more

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *