Madaafiic ku soo dhacday meel u dhaw madaxtooyada Soomaaliya waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasha iyo dhaawac.
Madaafiicda oo gaareysa ugu yaraan 3 Hoobiye ayaa ku soo dhacday meel u dhaw Guriga ay ku shaqayn jirtay Xukumada Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid iyo kuwii ka horeeyay oo ku yaala Albaabka madaxtooyada Soomaaliya.
Sidoo kale Madaafiicda ayaa ku dhacday Ex fiyoore oo ku dhaw Madaxtooyada Soomaaliya, ugu yaraan 4 qof ayaa ku dhaawacntay
waxana ku dhintay hooyo nuujineysay caruur yer iyo dad kale oo Guryahooda madaafiicda qaar ay ku dhacday.
sidoo kale Guriga Guddoomiyihii horeee Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan ee ku yaala Madaxtooyada Gudaheeda kuna dhaw Guriga Golihii hore ee Wasiirada Soomaaliya.
Dhowr jeer ayaa sidaan oo kale Madaafiic lagu garaacay madaxtooyada Soomaaliya, waxaana inta badan madaaficdaasi laga soo ridayay Gudaha magaalada Muqdisho.
Wasaaradda Gaashaandhiga Somalia Oo Soo Bandhigtay Waqtiga Ka Bixitaanka Ciidamada AMISOM Ee Dalka.
read moreWasiir Beyle ”Bankiga Adduunka iyo IMF waxay ku qanceen qaabka maamulka Maaliyadda
read moreWasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS Mudane Dr. Xuseen Cabdi Cilmi ayaa soo xiray […]
read more
Leave a Reply