• Wasaaradda Gaashaandhiga Somalia Oo Soo Bandhigtay Waqtiga Ka Bixitaanka Ciidamada AMISOM Ee Dalka.Read More
  • Wasiir Beyle ”Bankiga Adduunka iyo IMF waxay ku qanceen qaabka maamulka MaaliyaddaRead More
  • Wasaaradda Dastuurka oo Muqdisho ku soo xirtay Tababar heer sare ahRead More
  • Guddoomiye Xuseen “Waxaa naga go’an in shacabka guryahooda loogu geeyo Dawladnimada”Read More
  • Cabsi dhinaca Amaanka ah oo ka taagan gobolka Waqooyi Bari KenyaRead More

{Daawo Daawo} Gaas oo Boosaaso kula kulmay Odayaasha Dhaqanka

Kulankankii maanta uu Madaxweynuhu la qaatay odayaasha ayaa looga wada hadlay xaaladda nabad-gelyada iyo horumarka gobolka, waxaana odayaashu ay si cad u tilmaameen inay Dawladda ku garab taagan yihiin tallaabo kasta oo lagu xaqiijinayo sugidda ammaanka iyo tubta toosan ee loo marayo horumarka gobolka.

Guddoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays “Dhedo” oo kulankii maanta kalmado kooban ka jeediyay ayaa tilmaamay in sugitaanka ammaanka Gobolka Bari ay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo isla markaana loo guntado sidii looga hortagi lahaa cid kasta oo ku xad gudbaysa nabadgelyada gobolka iyo horumarkiisa.

Madaxweynaha Puntland Dr. C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa dhankiisa si cad u tilmaamay in xaqiijinta iyo wanaajinta amniga guud ahaan gobolada Puntland ay kamid tahay masuuliyadaha dastuuriga ah ee ay Dawladdu leedahay, isla markaana ay Dawladdu qaadayso tallaabo kasta oo lagu sugayo nabadgelyada laguna taabba gelinayo hormarka iyo wada jirka shacabka Puntland.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Puntland ayaa ku dhiiri geliyay  masuuliyiinta maamulka Gobolka Bari iyo odayaasha dhaqanka ee kulanka ka qayb galay adkaynta nabadgelyada iyo sugidda amniga Gobolka iyo sidii si wada jir ah loogu dhaqaaqi lahaa houmarka

You may also like

Wasaaradda Gaashaandhiga Somalia Oo Soo Bandhigtay Waqtiga Ka Bixitaanka Ciidamada AMISOM Ee Dalka.

Wasaaradda Gaashaandhiga Somal..

Wasaaradda Gaashaandhiga Somalia Oo Soo Bandhigtay Waqtiga Ka Bixitaanka Ciidamada AMISOM Ee Dalka.

read more
Wasiir Beyle ”Bankiga Adduunka iyo IMF waxay ku qanceen qaabka maamulka Maaliyadda

Wasiir Beyle ”Bankiga Adduun..

Wasiir Beyle ”Bankiga Adduunka iyo IMF waxay ku qanceen qaabka maamulka Maaliyadda

read more
Wasaaradda Dastuurka oo Muqdisho ku soo xirtay Tababar heer sare ah

Wasaaradda Dastuurka oo Muqdis..

Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS Mudane Dr. Xuseen Cabdi Cilmi ayaa soo xiray […]

read more

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *