• Wasaaradda Gaashaandhiga Somalia Oo Soo Bandhigtay Waqtiga Ka Bixitaanka Ciidamada AMISOM Ee Dalka.Read More
  • Wasiir Beyle ”Bankiga Adduunka iyo IMF waxay ku qanceen qaabka maamulka MaaliyaddaRead More
  • Wasaaradda Dastuurka oo Muqdisho ku soo xirtay Tababar heer sare ahRead More
  • Guddoomiye Xuseen “Waxaa naga go’an in shacabka guryahooda loogu geeyo Dawladnimada”Read More
  • Cabsi dhinaca Amaanka ah oo ka taagan gobolka Waqooyi Bari KenyaRead More

Daahir Amiin Jeesow “Guddoomiye Jawaari wuxuu ka dhigay Baarlamaanka mid uu isaga leeyahay…”

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa ka warbixiyay sababta ay Mooshinka uga keeneen Guddoomiye Jawaari, isagoo sheegay inuu hagi waayay howlaha Baarlamaanka u yaalla, kana dhigay meel uu qof leeyahay.

Xildhibaan Jeesow oo ka mid ahaa Xildhibaano dhowr ah oo saaka qabtay shir jaraa’id oo lagu soo bandhigay Mooshinka ka dhanka ah Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in illaa 108 Xildhibaan ay saxiixeen Mooshinka, isla markaana isku qanciyeen in Jawaari uu wadi waayay Baarlamaanka

“Waxaa maanta Mooshinka uga keenay Guddoomiye Jawaari waxaa sabab u ah inuu Baarlamaanka hagi waayay, labo jeer ayaa dooranay, Baarlamaankii 9aad ayuu hoggaaminayay, wuxuu ka dhigay Baarlamaanka mid uu qof leeyahay”ayuu yiri Xildhibaan Jeesow.

Sidoo kale waxaa uu ku eedeeyay maamul xumo iyo tagri fal, isla markaana xaruntii Baarlamaanka Golaha shacabka ay muuqaal wanaagsan yeelan weyso, taasna uu sababteeda leeyahay sida uu yiri.

Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka C/wali Ibraahim Muudey ayaa saaka ka guddoomay mooshinka ay gudbiyeen Xildhibaanada oo tiradii loogu tala galay saxiixday oo ah saddex meelood hal meel.

kastaba ha ahaatee mooshinka soo if baxay ayaa ahaa mid aan la fileyn, iyadoo saacadihii u dambeeyay lagu baraarugay mooshinka laga waday Jawaari, waxaana dhinaca kale barbar socda mooshin laga wado Ra’iisul Wasaare Kheyre.

You may also like

Daadad dad ku dilay tuulada Aw-Barkhadle

Daadad dad ku dilay tuulada Aw..

Inta la xaqiijiyay Hal qof ayaa ku dhintay kadib markii dooxa tuulada Aw-Barkhadle ee Bariga […]

read more
Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in dib loo howlgelinayo Kuliyaddii ciidamada Jaalle Siyaad (Daawo Sawirro)

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay..

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in dib loo howlgelinayo Kuliyaddii ciidamada Jaalle Siyaad (Daawo Sawirro)

read more
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dib ugu laabtay Xafiiskii Wasaaradda Gaashaandhigg

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fed..

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

read more

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *