• Wasaaradda Gaashaandhiga Somalia Oo Soo Bandhigtay Waqtiga Ka Bixitaanka Ciidamada AMISOM Ee Dalka.Read More
  • Wasiir Beyle ”Bankiga Adduunka iyo IMF waxay ku qanceen qaabka maamulka MaaliyaddaRead More
  • Wasaaradda Dastuurka oo Muqdisho ku soo xirtay Tababar heer sare ahRead More
  • Guddoomiye Xuseen “Waxaa naga go’an in shacabka guryahooda loogu geeyo Dawladnimada”Read More
  • Cabsi dhinaca Amaanka ah oo ka taagan gobolka Waqooyi Bari KenyaRead More

Ciyaaryahan hore oo hogaaminaya doorashada Madaxweynenimada Liberia

Natiijada hordhaca ah ee doorashada madaxweynenimada Liberia waxay muujinaysaa in uu hogaanka hayo George Weah oo horay u soo noqday xidig dhanka ciyaaraha ah.

Natiijada guddiga qaran ee magaciisa loo soo gaabiyo NEC ayaa muujinaysa in George Weah uu hoggaaminayo 11 deegaan oo ka mid ah 15ka deegaan ee la tiriyay, inkastoo codadka intooda badan aan wali la tirinin.

Joseph Boakai oo ah madaxweyne ku xigeenka talada haya oo ah ninka ay sida wayn isu hayaan ayaa hogaaminaya hal deegaan oo kali ah, kuwa kale intooda badanna kaalinta labaad kaga jira.

Si uu murashax ugu guulaysto doorashadan wuxuu u baahan yahay in uu helo in kabadan 50% guud ahaan codadka la dhiibtay.

Haddii lawaayo qof helay codad intaas la egna bisha soo socota ee Nofembar ayaa wareeg labaad la qaban doonaa.

Arsene Wenger oo ammaan kala dul dhacay ciyaartoyda Afrikaanka ah
Wenger: “Waan ka qoomamooday” in aan riixay Anthony Taylor
Wenger “oon akhrin doonin” buugga Mourinho

Ciddii la doorto waxay badali doontaa haweenaydii u horaysay ee madaxweynenimo looga doorto qaaradda Afrika, Ellen Johnson Sirleaf oo sidoo kalena heshay abaalmarinta caalamiga ah ee nabadda ee Nobelka loo yaqaanno.

Iyadoo natiijadu ay sidaa u soo baxaysana waxaa war been ah lagu marin habaabiyay tababaraha Arsenal, Arsene Wenger, isaga oo loo sheegay in George Weah uu guulaystay

Arsene Wenger ayaa tababare u soo noqday George Weah 1990yadii markaas oo uu u dheeli jiray naadiga Faransiiska ka dhisan ee Monaco

Arsene Wenger ayaa yiri: “Waxaan u hambalyeynayaa mid ka mid ah ciyaartoydeenii hore oo noqday madaxweynaha Liberiya, George Weah. Way yartahay in ciyaaryahankaagii hore uu noqdo madaxwaynaha dal. Way u wanaagsan tahay George, waxaana u sheegayaa in uu sii wad dadaalkiisa ah in uu waxbarato guulna gaaro.”

You may also like

Daadad dad ku dilay tuulada Aw-Barkhadle

Daadad dad ku dilay tuulada Aw..

Inta la xaqiijiyay Hal qof ayaa ku dhintay kadib markii dooxa tuulada Aw-Barkhadle ee Bariga […]

read more
Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in dib loo howlgelinayo Kuliyaddii ciidamada Jaalle Siyaad (Daawo Sawirro)

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay..

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in dib loo howlgelinayo Kuliyaddii ciidamada Jaalle Siyaad (Daawo Sawirro)

read more
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dib ugu laabtay Xafiiskii Wasaaradda Gaashaandhigg

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fed..

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

read more

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *