• “SAWIRRO”Madaxweyne Farmaajo oo kulamo wadatashi la qaatay culumada iyo odayaasha dhaqanka ee CaabudwaaqRead More
  • SAWIRO; Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda Somalia oo shir muhiim ah uga qeyb galay SacuudigaRead More
  • DAAWO MUQAAL: Madaxweyne Ku Xigenka Somaliland Oo Gaaray Tukaraq Iyo Xiisad Ka DhalatayRead More
  • SAWIRRO: Ciidamada Kenya ee galay Ceelwaaq oo Qarax ku bur buriyay Xarunta Shirkadda HormuudRead More
  • Ra’iisul Wasaare Kheyre oo kusii jeedda dalka SwitzerlandRead More

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Kenya oo ku dagaalamay Gedo

Dagaal kala shaki ka dhashay ayaa Ciidanka Dowladda iyo koox ka tirsan Ciidamda Kenya waxa uu ku dhexmaray saakay Gobolka Gedo, sida ay inoo sheegeen saraakiisha Ciidamada xoogga dalka ee Gobolkaasi.

Ciidan ka tirsan Dowladda Kenya gaar ahaan kuwa la dagaalanka Argagixisada ayaa aroornimadii hore ee maanta ka soo tilaabay Xadka dhinaca Ceel-waaq waxeyna gudaha u soo galeen Magaalada iyada oo uusan jirin wax ogeysiis ah.

Ciidanka Kenya oo watay Saddex gawaarida dagaalka ah, wajiyadana ay u xirnaayeen ayaa waxa ay gudaha u soo galeen magaalada, iyaga oo waliba gawaaridooda ay ka babanayeen Calan Madow, taasina ay skaki ku abuurtay Ciidamada Dowladda, sida uu inoo sheegay sarkaal ka tirsan Ciidanka Dowladda.

Ciidamada Dowladda ayaa durba muujiay shaki ku aadan in Ciidankan yihiin Al-Shabaab, waxeyna u yeerteen Ciidamo kale oo gurmad ah, iyaga oo isugu yimid banaanka magaalada, si ay isaga caabiyeen Ciidankan hadii ay yihiin Shabaab.

Ciidanka Kenya oo iyaga laftirkooda qabay cabsi ku aadan iney dhexda u galeen Shabaab ayaa markii ay arkeen Ciidanka Dowladda oo wadada u fadhiya rasaas ooda kaga rogay, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal mudo kooban socday.

Xuseen Deyr Cadaawe oo ka tirsan saraakiisha Ciidamada xoogga dalka ayaa inoo xaqiijiyay in dagaalka uu ku geeryooday Gaashaanle Dhexe Maxamed Aadan Yuusuf (Ilka Case) oo ka mid ahaa Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan Gobolka Gedo, wuxuu kaloo inoo sheegay in saraakiil Kenya ka tirsan ay la xiriireen, balse ay iska fogooyeen in wax lug ah ay ku lahaayeen falkan.

Sidoo kale sarkaalkan ayaa inoo sheegay in magaalada uu ka socdo barakac ku aadan cabsida dagaalkan dhacay, wuxuuna tilmaamay in Maamulka Jubbaland iyo Dowladda Federaalka ay u gudbiyeen arrintan ku gardarooshada ah ee Ciidanka Kenya ay ku kaceen.

Ciidanka Kenya ayaa si naxariis daro ah mararka qaar ula dhaqma shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan xuduuda ay wadaagaan
Soomaaliya iyo Kenya, waxaana Dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland looga fadhiyaa in ay wax ka qabtaan tacadiyada soo kordhay ee Ciidanka Kenya ay ku kacaan.

You may also like

“SAWIRRO”Madaxweyne Farmaajo oo kulamo wadatashi la qaatay culumada iyo odayaasha dhaqanka ee Caabudwaaq

“SAWIRRO”Madaxweyne Farmaa..

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulamo wadatashi ah kula qaatay magaalada […]

read more
SAWIRO; Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda Somalia oo shir muhiim ah uga qeyb galay Sacuudiga

SAWIRO; Wasiirka cusub ee Arri..

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Amb. Ahmed Isse Awad ayaa uga qeybgalay Magaalada […]

read more
DAAWO MUQAAL: Madaxweyne Ku Xigenka Somaliland Oo Gaaray Tukaraq Iyo Xiisad Ka Dhalatay

DAAWO MUQAAL: Madaxweyne Ku Xi..

Wararka imaanaya deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa sheegaya in haatan uu ku sugan yahay […]

read more

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *