• Wasaaradda Gaashaandhiga Somalia Oo Soo Bandhigtay Waqtiga Ka Bixitaanka Ciidamada AMISOM Ee Dalka.Read More
  • Wasiir Beyle ”Bankiga Adduunka iyo IMF waxay ku qanceen qaabka maamulka MaaliyaddaRead More
  • Wasaaradda Dastuurka oo Muqdisho ku soo xirtay Tababar heer sare ahRead More
  • Guddoomiye Xuseen “Waxaa naga go’an in shacabka guryahooda loogu geeyo Dawladnimada”Read More
  • Cabsi dhinaca Amaanka ah oo ka taagan gobolka Waqooyi Bari KenyaRead More

Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM oo burburiyay Fariisimo Al-shabab ay ku la hayeen inta u dhaxeesa Balcad iyo Afgooye.

Ciidamadda Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa maanta waxa ay Howlgalo ka bilaabeen deegaano ka tirsan Gobaladda Shabellaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe waxaana Howlgaladaasi ay ku burburiyeen Fariisimo Al-shabab ay ku la haayeen inta u dhaxesa Balcad iyo Afgooye.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Dowlada ee ka qeebqaadanaya Howlgalka ayaa sheegay in ay burburiyeen Fariisimo Al-shabab ay ku la hayeen  wadada isku xiriirisa Balcad iyo Afgooye.

Saraakiishaan oo ka gaabsaday in Codkooda aan adeegsano ayaa inoo sheegay in wali ay ku guda jiraan Howlgalka islamarkaana ay ku soo qabteen dad ay ku tuhmayaan inay xiriir la leeyihiin Al-shabab kuwaas oo baaritaano ay ku socdaan.

Dadka lagu soo qabtay Howlgalka ayaa qaarkood la geeyay Dagmadda Balcad ee Gobalka Shabellaha Dhexe sida ay inoo xaqiijiyeen Goobjoogayaal ku sugan Magaaladda.

Fariisimaha Al-shabab laga burburiyay ayaa la sheegay in dagaalamayaashii ka tirsabnaa  in ay isaga baxeen marka ay ka war heleen inay ku soo wajahanyihiin Ciidamada isgarabsanaya ee AMISOM iyo Dowlada.

Howlgalka ay maanta ay ka sameeyeen Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM Deegaano ka tirsan Labadda Gobol ee Shabeelooyinka ayaa imaanaya xili 2 bishaan oo ku beegneed Jimcahaan kii ka horeeyay Al-shabab Dagaal kula wareegeen Dagmadda Balcad oo saacado kooban ka dib ay dib uga baxeen.

Dhinaca kale waxa uu imanayaa Howlgalka ay ciidamadu wadaan iyadoo 7 bishaan Masuuliyiin ka tirsanaa Maamuladda Hirshabelle iyo K/galbeed ay ku dhinteen Qarax Miino oo lagula beegsaday Duleedka Dagamadda Afgooye ee Gobalka Shabellaha Hoose.
 

You may also like

Daadad dad ku dilay tuulada Aw-Barkhadle

Daadad dad ku dilay tuulada Aw..

Inta la xaqiijiyay Hal qof ayaa ku dhintay kadib markii dooxa tuulada Aw-Barkhadle ee Bariga […]

read more
Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in dib loo howlgelinayo Kuliyaddii ciidamada Jaalle Siyaad (Daawo Sawirro)

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay..

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in dib loo howlgelinayo Kuliyaddii ciidamada Jaalle Siyaad (Daawo Sawirro)

read more
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dib ugu laabtay Xafiiskii Wasaaradda Gaashaandhigg

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fed..

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

read more

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *