• SAWIRRO: Wasiirka Caafimaadka oo booqatay Dhaawacyaddii Qaraxii Zoobe ee la geeyay SuudaanRead More
  • Kenya oo sheegtay in ay Fashilisay Weerar lagu qaadi rabay NairobiRead More
  • SAWIRRO: Saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay oo gaaray DhuusamareebRead More
  • Kooxda Boko Haram oo weerartay Gabdho Iskuuley ahRead More
  • Khilaaf ka dhex taagan Suuriya iyo TurkigaRead More

Ciidamada DF oo gacanta ku dhigay xubno Shabaab ka tirsan

Wasiiru Dowlaha Amniga Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Macalin ayaa maanta Golaha Wasiirada warbixin ka siiyay halka ay marayaan Howlgalada ka socda guud ahaan dalka ee lagula dagaalamayo ururka Al-shabaab.

Wuxuu sheegay Wasiiru Dowlaha in meel wanaagsan ay marayaan Howlgalada ka dhanka ah Shabaab, isaga oo sidoo kale shacabka ka dalbaday in ay la shaqeeyaan Ciidamada Ammaanka Dowladda Federaalka.

Sidoo kale Wasiir Xasan Macalin ayaa sheegay in Ciidamada ammaanka ay degmada Afgooye ku qabteen laba nin oo Shabaab ka tirsan, kuwaasi oo dil u geystay qaar ka tirsanaa shacabka degmadaasi.

Wuxuu kaloo sheegay Wasiiru Dowlaha in Ciidamada ku sugan degmada Diinsoor ay isku soo dhiibeen xubno Shabaab ka tirsan oo la socday gaari Cabdi Bille ah, kuwaasi oo hada ku jira gacanta Dowladda.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa warbaahinta u sheegay in la dardargelinayo Howlgalada ka socda gobolada dalka.

You may also like

Booliska Gobolka Bari oo ka hadlay nin lagu dilay Magaalada Bosaso

Booliska Gobolka Bari oo ka ha..

Taliska qeybta Booliska Gobolka Bari ayaa ka warbixiyey nin Itoobiyaan ah oo lagu dilay Magaalada […]

read more
(Daawo Sawirada) Amaanka Xarunta Dowlada Hoose ee Xamar oo si weyn loo adkeenayo

(Daawo Sawirada) Amaanka Xarun..

Amaanka xarunta Dowlada Hoose ee Xamar ayaa si weyn loo adkeenayaa, waxaana dayactir lagu sameenayaa […]

read more
SAWIRRO” Wasaaradda Boostada & Isgaarsiinta oo qabanqaabineysa shirweynaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Jabuuti

SAWIRRO” Wasaaradda Boostada..

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknoolojiyada ayaa sheegay in wasaaraddu qabanqaabineyso shirweyne ay ka soo qeyb […]

read more

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *