• (SAWIRRO) Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay arrimo kala duwanRead More
  • DAAWO MUQAAL:Soo dhoweyntii Muqdisho loogu sameeyay Gudomiyaha Baarlamaanka JabuutiRead More
  • Puntland Iyo Galmudug Oo Ku Dagaallamay Gaalkacyo Iyo Khasaare DhacayRead More
  • SAWIRRO “Guddoomiyaha G/Banaadir oo la kulmay Safiirka TurkigaRead More
  • Xildhibaano ka tirsan BF oo kormeeray xabsiga dhexe ee XamarRead More

Ciidamada Booliiska Somaliland oo xabsiga u taxaabay siyaasiyiin ka tirsan xisbiga Waddani

Ciidamada Booliiska Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay Laba sarkaal oo ka tirsan xisbiga mucaaridka ee Waddani.
Saraakiisha la xidhay ayaa kala Ah madaxii ololaha ee xisbiga Waddani Xamse Khayre iyo Faadumo Siciid oo ah la taliyaha arrimaha dibada ee musharaxa madaxwayne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro.

Faadumo Siciid ayay booliisku sheegeen in laga xiray goob ay ka socotay tirinta doorashada oo Dugsi ahayd xalley fiidkii, sidoo kale Xamse Khayre ayaa maanta lagu xidhay magaalada Gabiley.

Sarkaal saddexaad oo ka tirsan xisbigaasi ayaa la xidhay shalay markii doorashadu socotay kaasi oo ka codeynayay xarun ku taalay degmada Axmed Dhagax.

Saddex masuul ayaa habeenkii doorashada sidoo kale ciidamada booliiska Somaliland xabsiga u taxaabeen kuwaasi oo laga xidhay magaalada Ceel afweyn ee gobolka Sanaag imikana ku xidhan saldhiga Magaalada Ceerigaabo.

Laamaha amaanka Somaliland wali kama hadal xadhiga masuuliyiintaasi lixda ah ee laga xidhay xisbiga mucaaridka ee

Waddani, Afhayeenka xisbigaasi Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa cambaareeyay xadhiga loo geystay masuuliyiinta ka tirsan xisbigiisa.

You may also like

(SAWIRRO) Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay arrimo kala duwan

(SAWIRRO) Shirka Golaha Wasiir..

Shirkii caadiga ahaa ee Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Dawladda Federaalka ay maanta yeesheen oo uu […]

read more
DAAWO MUQAAL:Soo dhoweyntii Muqdisho loogu sameeyay Gudomiyaha Baarlamaanka Jabuuti

DAAWO MUQAAL:Soo dhoweyntii Mu..

Gudoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti iyo Wafdi uu hogaaminayo oo Xildhibaano  reer jabuuti ah ay kamid yihiin […]

read more
Puntland Iyo Galmudug Oo Ku Dagaallamay Gaalkacyo Iyo Khasaare Dhacay

Puntland Iyo Galmudug Oo Ku Da..

Dagaal dhaxeeyay maleeshiyaad kala taabacsan maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa ka dhacay maanta suuqa magaalada […]

read more

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *