• Wasaaradda Gaashaandhiga Somalia Oo Soo Bandhigtay Waqtiga Ka Bixitaanka Ciidamada AMISOM Ee Dalka.Read More
  • Wasiir Beyle ”Bankiga Adduunka iyo IMF waxay ku qanceen qaabka maamulka MaaliyaddaRead More
  • Wasaaradda Dastuurka oo Muqdisho ku soo xirtay Tababar heer sare ahRead More
  • Guddoomiye Xuseen “Waxaa naga go’an in shacabka guryahooda loogu geeyo Dawladnimada”Read More
  • Cabsi dhinaca Amaanka ah oo ka taagan gobolka Waqooyi Bari KenyaRead More

Caro ka dhalatay kufsi iyo dil la isugu daray gabadh 8 jir ah

Kufsi arxan darro ah iyo dil la isugu daray gabadh sideed jir ah ayaa dhalisay caro ballaaran oo Hindiya oo dhan ku faaftay.
Maydka Asifa Bano oo ka mid ah qabiil heer baadiye ah oo Muslimiin ah ayaa laga helay kayn u dhaw magaalada Kathua oo daris la ah qaybta ay Hindiya maamusho ee Kashmiir, arrintaasi waxay dhacday 17kii bishii Janaayo.

Sheekadaas ayaa ciwaannada caalamka qabsatay toddobaadkan ka dib markii kooxaha garabka midig ee Hinduuga ay ka mudaaharaadeen xiritaanka dadkii arrintaas lagu eedeeyay oo diinta Hinduuga aaminsan.

Dadka ayaa ka caraysan in dambiyada foosha xun ay noqdeen meel laga billaabo isku dhacyada diimaha.

Booliiska ayaa xiray siddeed nin oo ay ka mid yihiin masuuliyiin dawladeed oo shaqada ka fariistay, afar askari iyo mid yar oo lala xiriiriyay dilka Asifa.

Si kastaba ha ahaatee xiritaankaas ayaa horseeday dibad bax ay sameeyeen dadka diinta Hinduuga aaminsan ee aqlabiyadda ka ah gobolka Jammu – qareenno ayaana isku dayay in ay booliiska ka hor istaagaan in ay warqadda dacwada geeyaan maxkamadda, waxaa sidoo kale mudaaharaadkaas ka qaybqaatay labo wasiir oo ka tirsan xisbiga BJP ee waddaniyadda ku kalax tagay.

Carada ka dhalatay taageerada loo muujiyay eedaysaneyaasha ayaa keentay in ay dadka Twitterka isticmaala aad u adeegsadaan hal qabsi ah caddaalad ha loo helo Asifa #justiceforAsifa iyo #Kathua.

You may also like

Daadad dad ku dilay tuulada Aw-Barkhadle

Daadad dad ku dilay tuulada Aw..

Inta la xaqiijiyay Hal qof ayaa ku dhintay kadib markii dooxa tuulada Aw-Barkhadle ee Bariga […]

read more
Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in dib loo howlgelinayo Kuliyaddii ciidamada Jaalle Siyaad (Daawo Sawirro)

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay..

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in dib loo howlgelinayo Kuliyaddii ciidamada Jaalle Siyaad (Daawo Sawirro)

read more
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dib ugu laabtay Xafiiskii Wasaaradda Gaashaandhigg

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fed..

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

read more

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *