• Wasaaradda Gaashaandhiga Somalia Oo Soo Bandhigtay Waqtiga Ka Bixitaanka Ciidamada AMISOM Ee Dalka.Read More
  • Wasiir Beyle ”Bankiga Adduunka iyo IMF waxay ku qanceen qaabka maamulka MaaliyaddaRead More
  • Wasaaradda Dastuurka oo Muqdisho ku soo xirtay Tababar heer sare ahRead More
  • Guddoomiye Xuseen “Waxaa naga go’an in shacabka guryahooda loogu geeyo Dawladnimada”Read More
  • Cabsi dhinaca Amaanka ah oo ka taagan gobolka Waqooyi Bari KenyaRead More

Britain oo la filayo in ay ku dhawaaqdo tallaabooyin ka dhan ah Ruushka

Ra’iisalwasaaraha Britain, Theresa May, ayaa maanta lagu wadaa in ay ku dhawaaqdo tallaabooyin dhawr ah oo ka dhan ah dalka Ruushka, kaddib markii xukuumadda Moscow ay ku guuldareysatay in muddadii loo qabtay ay ku caddeyso sababta loo sumeeyay Sergei Skripal oo ka tirsanaan jiray sirdoonka Ruushka iyo gabadhiisa.

Muddada Britain ay u qabatay Moscow ayaa ku ekayd habeen barkii xalay, ilaa haatanna Moscow wax jawaab ah kama aysan bixin arrintaasi oo aan ka ahayn in ay beenisay ku lug lahaanshaheeda isku dayga lagu doonayay in lagu khaarajiyo Sergei Skripal iyo gabadhiisa Yulia.

Sergei Skripal ayaa ka tirsanaan jiray sirdoonka Ruushka balse wuxuu si hoose ula shaqeyn jiray mukhaabaraadka Britain, waxaana markii dambe magangelyo laga siiyay Britain.

Tallaabooyinka la filaya in Britain ay ku dhawaaqdo ayaa waxaa ka mid ah in dalka laga ceyriyo tiro diblomaasiyiin Ruush ah iyo in xayiraad lagu soo rogo muwaadiniin Ruushka u dhashay oo hantiileyaal ah oo lala xiriirinayo madaxtooyada Kremlin.

Xukuumadda Moscow ayaa sheegtay in ka jawaabi doonto tallaabooyinka Britain ee iyaga ka dhanka ah.

You may also like

Daadad dad ku dilay tuulada Aw-Barkhadle

Daadad dad ku dilay tuulada Aw..

Inta la xaqiijiyay Hal qof ayaa ku dhintay kadib markii dooxa tuulada Aw-Barkhadle ee Bariga […]

read more
Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in dib loo howlgelinayo Kuliyaddii ciidamada Jaalle Siyaad (Daawo Sawirro)

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay..

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in dib loo howlgelinayo Kuliyaddii ciidamada Jaalle Siyaad (Daawo Sawirro)

read more
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dib ugu laabtay Xafiiskii Wasaaradda Gaashaandhigg

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fed..

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

read more

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *