• SAWIRRO”Aabaha Wiil yar oo Boorso lagu tahriibinayay oo Xabsi ka bad baadayRead More
  • Kulan ay K/ Waqooyi iyo Maraykanka yeelan lahaayeen oo la baajiyayRead More
  • SAWIRRO’RW Kheyre & Madax kale oo ka qeyb galay Janaasada marxuum Axmed Diiriye CaliRead More
  • Ciidamada Badda Soomaaliya oo markii ugu horeysay bur-burkii kadib ka qayb galay dhoolatus Caalami ah oo ka dhacay Xeebaha Soomaaliya.Read More
  • SAWIRRO: Dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku xiran xabsiyada LibyaRead More

Benjamin Netanyahu oo u digay Iiran

Raiisul wasaaraha dalka Isra’iil, Benjamin Netanyahu ayaa uga digay dalka Iiran in wax weerar ah ay kusoo qaado Isra’iil, isagoo intaa ku daray in Isra’iil ay iska difaaci doonto weerar walba oo uga yimaada dibadda.

Netanyahu ayaa sidookale sheegay in Iiran ay uga digayaan inay kusoo xadgudubto madaxbanaanida dalkiisa, waxaana raiisul wasaare Netanyahu uu intaa ku daray inay iska cadahay siyaasadda Isra’iil eek u aadan difaaca dhulkeeda.

oghayaha guud ee Qaramada midoobay Antonio Guterres ayaa ku baaqay in si shuruud la’an ah loo joojiyo collaada ka soo cusboonaatay dalka Suuriya, kadib markii diyaarad ay leedahay Isra’iil lagu soo riday gudaha dalka Suuriya.

Mr Guterres waxaa uu sheegay inuu si dhaw uu ula socday xaalada milateri ee ka soo cusboonaatay xuduudaha wadanka Suuriya.

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay inay qaadeen weeraro ballaaran oo ay ku bartilmaamedsanayaan xarumo milateri oo ku yaala gudaha dalka Suuriya oo ay kamid tahay hanaankii difaaaca cirka ee Suuriya iyo walibana bartilmaameed ay Iiran ku leedahay gudaha wadankaasi.

Isra’iil aya duqeymahaasi ku tilmaamtay kuwii ugu ba’naa ee ay qaado muddo soddon sano ah.
Afhayeen u hadlay milateriga Isra’iil oo lagu magacaabo Jonathan Conricus ayaa BBC-da u sheegay inay bartilmaameedsadeen xarumo milateri oo ay Iiran ku leedahay gudaha Suuriya iyo saldhigto milateriga Suuriya ay ku leeyihiin agagaarka caasimadda Dimishiq.

Qaraxyo ayaa maalintii sabtida laga maqlay meel aan sidaasi uga fogeyn caasimadda Dimishiq.
Milateriga Israa’iil ayaa mar sii horeesay sheegay in diyaarada la riday ay fulisay weerar ka dhan ah bartilmaameedyo Iiraan ay ku leedahay Suuriya.

Labadii duuliye ee diyaaradda wadday ayaa la sheegay in iyagoo badqaba ay baarashuut kaga boodeen diyaaradda, kaddib markii diyaarada ay ku burburtay waqooyiga Israa’iil, waxaana markii dambe isbitaal la dhigay duuliyeyaashi sarnaa diyaarada.

Israa’iil ayaa horay u sheegtay in diyaaradeeda dagaalka ee F-16 ay waday weerraro ay kaga jawaabaysay diyaaradaha aanay cidina wadin ee ay Iiraan leedahay oo gudaha u soo galay Israa’iil. Diyaaradahaasi aanay cidina wadinna markii dambe waa la horjoogsaday.

You may also like

SAWIRRO”Aabaha Wiil yar oo Boorso lagu tahriibinayay oo Xabsi ka bad baaday

SAWIRRO”Aabaha Wiil yar..

Nin kasoo jeeda dalka Ivory Coast ayaa si dirqi ah xabsi uga bad baaday ,kadib markii […]

read more
Kulan ay K/ Waqooyi iyo Maraykanka yeelan lahaayeen oo la baajiyay

Kulan ay K/ Waqooyi iyo Marayk..

Aqalka cad ee Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in wakiilo ka socday Kuuriyada Waqooyi ay […]

read more
SAWIRRO’RW Kheyre & Madax kale oo ka qeyb galay Janaasada marxuum Axmed Diiriye Cali

SAWIRRO’RW Kheyre &..

Ra’iisul Wasaaraha xukuumada Somalia iyo masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galay salaada janaasada marxuum Nabadoon […]

read more

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *