• Wasaaradda Gaashaandhiga Somalia Oo Soo Bandhigtay Waqtiga Ka Bixitaanka Ciidamada AMISOM Ee Dalka.Read More
  • Wasiir Beyle ”Bankiga Adduunka iyo IMF waxay ku qanceen qaabka maamulka MaaliyaddaRead More
  • Wasaaradda Dastuurka oo Muqdisho ku soo xirtay Tababar heer sare ahRead More
  • Guddoomiye Xuseen “Waxaa naga go’an in shacabka guryahooda loogu geeyo Dawladnimada”Read More
  • Cabsi dhinaca Amaanka ah oo ka taagan gobolka Waqooyi Bari KenyaRead More

Al-Shabaab oo askar ku dilay bar koontarool ku yaal duleedka Balcad

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday bar koontarool ay ciidamada dowladda ku lahaayeen meel ku dhow Tuulada Basra oo hoos tagta degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in iska hor imaad ka dhacay fariisinkaas lagu dilay askar ka tirsan ciidamada dowladda.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in koontaroolka la weeraray ay ciidamada lacago canshuuro ah uga qaadayaan gawaarida isaga kala gooshta Balcad iyo Afgooye.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarkaas ay ku dileen illaa lix askari oo ka tirsan Ciidamada dowladda, sidoo kale askar kale ku dhaawaceen

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada Balcad oo ku aadan weerarka lagu qaaday ciidamada fariisinka ku lahaa agagaarka Tuulada Basra.

Bilihii u dambeeyay Al-Shabaab ayaa kordhiyay weerarada ay ku qaadayeen saldhigyada ciidamada dowladda, iyadoo bishii hore oo kaliya ay weerar illaa lix saldhig oo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda.

You may also like

Daadad dad ku dilay tuulada Aw-Barkhadle

Daadad dad ku dilay tuulada Aw..

Inta la xaqiijiyay Hal qof ayaa ku dhintay kadib markii dooxa tuulada Aw-Barkhadle ee Bariga […]

read more
Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in dib loo howlgelinayo Kuliyaddii ciidamada Jaalle Siyaad (Daawo Sawirro)

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay..

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in dib loo howlgelinayo Kuliyaddii ciidamada Jaalle Siyaad (Daawo Sawirro)

read more
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dib ugu laabtay Xafiiskii Wasaaradda Gaashaandhigg

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fed..

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

read more

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *