• Wasaaradda Gaashaandhiga Somalia Oo Soo Bandhigtay Waqtiga Ka Bixitaanka Ciidamada AMISOM Ee Dalka.Read More
  • Wasiir Beyle ”Bankiga Adduunka iyo IMF waxay ku qanceen qaabka maamulka MaaliyaddaRead More
  • Wasaaradda Dastuurka oo Muqdisho ku soo xirtay Tababar heer sare ahRead More
  • Guddoomiye Xuseen “Waxaa naga go’an in shacabka guryahooda loogu geeyo Dawladnimada”Read More
  • Cabsi dhinaca Amaanka ah oo ka taagan gobolka Waqooyi Bari KenyaRead More

Agaasimihii guud ee wasaaradda Qorsheynta Somaliland oo is casilay

Agaasimihii guud ee wasaaradda Qorsheynta horumarinta Somaliland Prof:Cabdi Cali Jaamac ayaa iska casilay xilkii wasaaradaasi ka dib markii ay khilaafeen wasiirkiisa.

Agaasimaha is casilay ayaa sheegay in madaxweynuhu telefoon ku canaantay ka dib markii wasiirku war khaldan u gudbiyey ka dibna uu madaxweynihii uu arki waayey si uu iskaga difaaco eedda loo soo
jeediyey.

Mar uu sharaxayey sababta uu isku casilay waxa uu yidhi “Waxan garawsaday in aad xaq u leedihiin in aan erayo kooban idinku sheego sababta aan xilka uga tegay, taasoo ah sidan soo socota:

Madaxweynaha ayaa telefoon igula soo hadlay sabtidii; wuxu igu yidhi hadal macnihiisu yahay (not literally) ha u mareexaanayn wasiirka!!! taas waynu isku dilaynaa!!! Markii aan ku idhi madaxweyne aan kuu imaaddo oo aan is difaacana wuxu yidhi laba cisho iga maqnaw, markaa shalay oo arbaca ah ayaan tegay. Waxana la ii sheegay in aanay ballani ii oolin.”

Waxaanu intaas raaciyey “ Haddaba, shaqaalaha iyo dadka wasaaradduba way sheegi xaqiiqada jirta ee anigu ma garanayo meel qawl iyo ficil midna aan ugu mareexaaneeyay wasiirka, kumana jirto qiyamkayga, dadnimdayda iyo damiirkayga in aan ku dhaqmo sifooyin ceynkaas ah.

Haddaba haddii Madaxeynuhu aaminsan yahay in dhaqankaasi aanu fiicnayn; Haddii aniguna aanan ku sifoobin dhaqankaas oo la ii waayo qawl iyo ficil aan ku mareexaanaynayo; ninka ashkatooday oo wasiirka ahi haddii isna uu aaminsan yahay in dhaqankani xun yahay oo uu ka dhiidhiyay ,markaa su’aasha jawaabta u baahani waxa weeyaan: yaa run sheegaya oo neceb dhaqankan?!!!!! ”.

Agaasimaha is casilay ayaa sheegay in madaxweynuhu ku canaantay in aanu wasiirka u isticmaalin shaadhkiisa oo uu shaqadiisa ku ekaado, haseyeeshee agaasimuhu wuxuu xusay in aanu dhaqan u lahayn inuu adeegsado awood aanu isagu lahayn, sidaas darteed mar hadii arrintaasi lagu edeeyey uu xilkii uu hayey iska casilay.

You may also like

Daadad dad ku dilay tuulada Aw-Barkhadle

Daadad dad ku dilay tuulada Aw..

Inta la xaqiijiyay Hal qof ayaa ku dhintay kadib markii dooxa tuulada Aw-Barkhadle ee Bariga […]

read more
Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in dib loo howlgelinayo Kuliyaddii ciidamada Jaalle Siyaad (Daawo Sawirro)

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay..

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in dib loo howlgelinayo Kuliyaddii ciidamada Jaalle Siyaad (Daawo Sawirro)

read more
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dib ugu laabtay Xafiiskii Wasaaradda Gaashaandhigg

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fed..

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

read more

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *