• Wasaaradda Gaashaandhiga Somalia Oo Soo Bandhigtay Waqtiga Ka Bixitaanka Ciidamada AMISOM Ee Dalka.Read More
  • Wasiir Beyle ”Bankiga Adduunka iyo IMF waxay ku qanceen qaabka maamulka MaaliyaddaRead More
  • Wasaaradda Dastuurka oo Muqdisho ku soo xirtay Tababar heer sare ahRead More
  • Guddoomiye Xuseen “Waxaa naga go’an in shacabka guryahooda loogu geeyo Dawladnimada”Read More
  • Cabsi dhinaca Amaanka ah oo ka taagan gobolka Waqooyi Bari KenyaRead More

Aadan Madoobe oo ku dhawaaqay in uu yahay Musharax u taagan xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka

Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) oo horey u soo noqday Guddoomiyaha Baarlamaanka

hadana ah Mudane ka tirsan Baarlamaanka Golaha Shacabka ayaa maanta oo ay Taariikhdu tahay 17-04-18 ku dhawaaqay inuu yahay Musharax u taagan xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Guddoomiyihii Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa 8-dii bishan April iska casilay xilka Guddoonka, sida xeerka Baarlamaanka uu dhigayana ay waajib tahay in booskaas lagu buuxiyo mudo 15 maalmood ah.

Aadan Madoobe oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay inuu soo shaqeeyay iyada oo aysan jirin dhaqaale iyo Miisaaniyad ay Dowladda ku shaqeyso, iyada oo xilligaasi la raadinayay in la helo Dowlad guuleysata.

Wuxuu sheegay markii uu is casilay Madaxweynihii Soomaaliya Marxuum C/laahi Yuusuf inuu ku guuleystay inuu isku keeno Dowladda Federaalka iyo Midowgii Maxaakiimta oo xilligaasi ahaa Mucaarad, intaasi kadibna la soo doortay Madaxweyne cusub.

Baarlamaanka Federaalka ayuu ka dalbaday in ay codkooda siiyaan si uu ugu guuleysto xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo uu sheegay inuu leeyahay khibradeeda, kana soo bixi karo waajibaadka saaran, maadaama hada ay jirto Dowlad leh Hay’adaheeda Dastuuriga ah.

“Waxaan rabaa inaan maanta halkan ka cadeeyo inaan u taagannahay xilka Gudoomiyaha Golaha Shacabka, dalka waxaan ka soo qabtay xilal kala duwan, iyada oo aan mar soo noqday Gudoomiyaha Baarlamaanka, waqti badan ayaan u soo shaqeeyay shacabka, Mudanayaasha Baarlamaanka waxaan ka dalbanayaa in ay codkooda igu taageeraan.” Ayuu yiri Aadan Madoobe.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa Guddoomiye Baarlamaan soo noqday intii u dhaxeysay 2007-dii ilaa 2010-kii, sidoo kale wuxuu soo noqday Ra’iisul Wasaare kuxigeen, Wasiir iyo Baarlamaano kala duwan oo uu xildhibaan uu ka soo noqday.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka bilowday Olole Doorasho oo qaar ka ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay ugu jiraan sidii ay u raadin lahaayeen xilkii uu baneeyay Gudoomiye Jawaari.

You may also like

Daadad dad ku dilay tuulada Aw-Barkhadle

Daadad dad ku dilay tuulada Aw..

Inta la xaqiijiyay Hal qof ayaa ku dhintay kadib markii dooxa tuulada Aw-Barkhadle ee Bariga […]

read more
Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in dib loo howlgelinayo Kuliyaddii ciidamada Jaalle Siyaad (Daawo Sawirro)

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay..

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in dib loo howlgelinayo Kuliyaddii ciidamada Jaalle Siyaad (Daawo Sawirro)

read more
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dib ugu laabtay Xafiiskii Wasaaradda Gaashaandhigg

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fed..

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

read more

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *